Tuesday, November 18, 2014

Ururka Jiidali oo xilkii ka qaaday Afhayeenkoodii xil uu xabsiga ku jiro Gudoomiyahii ururkaasi

Hargaysa(GNA).Akhri War Saxafadeed ay soo saareen xubanaha ururka dhalinyarada Beelaha Subeer Awal ee JIIDALI Ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Afheyeenkii ururkaasi Jiidali Faysal Cumar Madar Qumuj Sidoo kale xubnaha ururkaasi waxay faahfaahin ka bixiyeen ajandaha ururkoodu utaagan Yahay
Halka Ka Akhri Warsaxafadeedkaasi



Warsaxafadeed

Maanta(shalay) oo ay tahay taariikhdu 17/11/2014, wuxuu ururka Dhalinyarada jiidali u bayaaminayaa Mujatamaca reer Somaliland, In jiidali loo abuuray inay barbar istaagto jiritaanka qaranimada somaliland, xoojiso walaalnimada, jaarnimada, wada dhaqanka iyo wada noolaanshaha beelaha somaliland, Jiidali waxay u taagan tahay inay isku fur furto dhalinyarada oo ay hormood u noqoto dhalinyar wax wada qabsada oo talo midaysan leh, waxa ka go’an jiidali inay kala shaqayso hayadaha amniga, sugida iyo adkaynta nabadgalyada qaranka, jiidali waxay astaan u tahay dhalinyar firfircoon oo ka turjumaya dareenka shacabkooda, diyaarna u ah inay wakhti ,maskax iyo maalba u bixiyaan sidii qarankan jamhuuriyada somaliland u noqon lahaa qaran waara oo horumara.

Kulan ay isugu yimaadeen hogaanka sare ee JIIDALI waxay go’aanku soo saareen qodobadan hoos ku xusan:-
1.    In maanta laga bilaabo xilkii uu ururka u hayay laga qaaday Faysal Cumar Madar (Qumuj) oo ahaa afhayeenkii hore ee ururka, isla markaana loo magacaabay afhayeen cusub mudane Maxamed Nuur Diiriye (giriig)
2.    In la anshax marin doono inamada yar yar ee aan gudida fulinta iyo xubnaha uruka ku jirin ee afka ururka TVyada la soo fadhiisanay hadii ay ka waantoobi waayaan.
3.    In dhamaan xubnaha ururka jiidali ay isugu yimaadaan shirweyne lagaga tashanayo aayaha iyo mustaqbalka ururka maalinta ay bishu tahay 26.11.2014.

Xubnaha gudida  ee ansixiyay warsaxaafadeedka:-
1.    Gudoomiye ku xigeenka ururka ahna ku simaha gudoomiyaha Mudane C/Rashiid Maxamed X.Aadan (fulin)
2.    Agaasimaha Maaliyada ururka (khasnaji) Mudane Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Fulin)
3.    Xoghayaha Guud ee Ururka Mudane Khadar Maxamed Xirsi(fulin)
4.    Gudoomiyaha Dhaqaalaha Mudane Maxamed Cabdi Xassan (fulin)
5.    Gudoomiyaha Xidhiidhka Gobolada mudane Xuseen Maxamed Dhalac (Xubin)
6.    Xoghayaha Arimaha Bulshada Mudane C/samad Aadan Maxamed (xubin)
7.    Agaasimaha saxaafada Mudane Jamaal Cismaan Cabdilaahi (Fulin)
8.    Xoghayaha Xidhiidhka Caalamiga ah mudane Maxamed Axmed Caydiid (xubin)
9.    C/raxmaan jaamac Hadhiye (xubin)

FG: waxaanu bulshada reer Somaliland gaar ahaan taageerayaasha ururka jiidali ugu bushaaraynaynaa in xadhiga gudoomiyaha ururku meel wanaagsan marayso sida ugu dhakhsaha badan loo soo daynayo.

Gudoomiye Ku xigeenka Ururka Jiidale
Mudane C/rashiid Maxamed Xaaji Aadan

Gobanimonews.com/office

Hargaysa/Somaliland