Taageerayaasha xisbigu soo dhaweeyay waxa horkacayay oo hormuud ka ahaa dad miisaan culus ku lahaa xisbiga Kulmiye ee Heer Gobol, Waxaana kamid ah. Cali Axmed kooshin oo kamid ahaan jiray xubnihihii ugu firfircoonaa ee Xisbiga Kulmiye kaabeynka uqaabilsanaa xiliyadii doorashooyinka iyo Cawil Cali Sugule oo kamid ah dadka sharafka iyo karaamada ku leh gobolka Saaxil.
Xaflada lagu soo dhaweeyay Taageerayaashan, waxa ka qayb-galay hogaanka sare ee xisbiga Waddani oo horkacayo Guddoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Cirro iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo booqasho ku tegay maanta magaaladaasi.
Soo digo-rogashada Taageerayaashan ayaa todobaad ka dambeysay, kaddib markii uu xisbigaas ku biiray Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Mudaneyaasha Gobolka Saaxil laga soo doorto ee miisaanka weyn ku leh Gobolka, kaasoo hore u ahaa dadkii isku hayay shacbiga reer Berbera iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo munaasibadaas hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay taageerayaasha cusub ee xisbigiisa ku soo biiray, waxaanu daboolka ka qaaday inay saami iyo kaalin weyn ku yeelan doonaan dhismaha talada xisbiga, hada wixi ka dambeeya.
Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Cabdiraxmaan cirro, oo bilowgii hore ee socod-barashada siyaasadda qunyar socod lagu tilmaami jiray ayaa haatan u muuqda inuu saaxada ka saarayo Kulmiye oo ahaa xisbigii ugu taageerada badnaa Asxaabta Siyaasada Somaliland tobankii sanno ee u dambeeyey.
Gobanimonews
Berbera Office
Email: editor@gobanimonews.com