Tuesday, November 11, 2014

Daruur waliba ma da’do!by: C/naasir I. Nuur

10606535_595763177217832_2667717922409674109_nWaxaan kaga hadlayaa maqaalkan meelo badan sida dhalinta seef laboodka ah, xukuumada, mucaaradka, muwaadiniinta, hogaamiya dhaqameedyada iyo qaranka xalaash ah ee la yidhaaho Jamhuuriyada Somaliland Alleh ha dhawree!

shalay baad dhalatee adeer miyaanad ogayn waayihii adkaa ee uu soo maray   qaranka Somaliland, waxaa jirtay waayo dadka wadanka dagaa cirka dayaarado laga rushaynayay halka dhulkana lagaga garacay madaafiic dadku waagaa waxii ka horeeyay marna may bara kicin laakiin dantu waxay ku kaliftay in ay jaho walba u kala caraaan   iyagoo koox u wada socda   hadii hal madfac laga soo daba rido midh kama hadhayn gacmahay iswada haysteen qalayda ciyaalka iyo oohinta haweenku waxay ahayd malaynkarayn aanay waalidku bad baadi nta caydiga ama caruurta mooyaane kama fikirayn wax kale.

Waxaan ka mid ahaa kuwa cagahooda maalayay waagaa lagula kacay dadka reer Somaliland xad gudubka aan geed loogu soo gaban hadaba dhoohanidu ma fiicnee waxaa kula kacay dawladii kacaanka ahayd ee uu hogaaminaayay hogaamiyihii macangegga ahaa MAXAMED SIYAAD BARE iyo askartii uu hogaaminayay, waxaana laga reebay raadad taariikheed oo murugo badan, hadaba waxa haboon in aanay iskaga kaa khaldamin qarannimada iyo xukuumada mana haboona iyadoo laga ficil qaadanayo   xukuumadu meelaha ay ku fashilantay oo lagu kaco wax qaranka dhaawacaya waayo bili”aadanku waa qaldamaa laakiin waxaa ka sii xun siyaasiga maanta dhalinyarada ku Abuuraya kacaanka kana horimanaya qaranka, waxaana dhalinyarada isaga dab qaadaysa gobalada aan ugu baaqayaa Axamad Maxamed Maxamuud Silaayo ILLAHAY baa u qoray xilka uu u hayo qaranka SOMALILAND iyadoo uu xilka uu haynayo inta uu ILLAHAY u qoray.

Waxaa masuul kasta ka horeeya xisaab ALLEH waxaana ay murugo u sugnaatay kuwa aan xishoon kana dhigan kuwo qaawiyay lafahooda hadii tusaal aynu soo qadano siyaasada caalamka waa loo naxaristaa dadka aad masiirkooda gacanta ku hayso ama aad mas’uulka ka tahay, balse ayaan darada ku dhacday siyaasiinta dalkeenu uma naxaristaan siyaasada midaasi waxaa ka beermay in ay dadka wadanku qaarkood in la dulmay xaqoodiina la cunay, waxaana magac xumo iyo murugo ay ku tahay ninka maanta ay maskaxadiisa ka xadaan siyaasiinta danahooda ugu dagaalamaya siyaasada, abuurayana in la kala fogaado iyagoo ka faa’iidaysanaya goldaloolooyinka ay Xukuumadda iyadoo xiitaa qabyaaladu yeelatay geeso intii xukuumadanu haysay xilka inkastoo ay wax badan qabatay hadana badanaa waxaa Mujaahid silaanyo la dagay dadka uu shaqada u xilsaaray sida aan anigu filayo oo aan ka soo bixin xilkii uu u igmaday taasina waxaa cadaynaya dhisma yaasha lagu wareejinaayo dadka gaarka ah ee habaarka gacmahooda ku doontay Leybareeriyadiina dhaafiwaayay oo magac xumadana gacmahooga la galay isuna quudhay xaaraanta sida u cad dharaarta waxaana dhicidoonta maalinka laga abaalmarindoona sad-bursiimaha loo fuliyay.Ninka lacgta haysta ee dawlada ku kalifaaya in ay ka ibiyaan dhul danguud ah ee lawada leeyahay isagoo ka faaa’iidaysanaya qaraabo kiil iyo qabyaalad xukuumada iminka jirtana ayaa dadka dhulkaa ibsanaya ka xun kun.

Miyaan la odhan karin maamuusku noolashu wax uu ka turjumayaa u jeedada noolasha ka danbeeya, waxa uu dalku leeyahay dastuur kaas oo tilmaamaya ilaalinta hantida Qaranka iyo khayraadka dabeeciga ah waxaana waajib ku ah dawlada raacida qaynuunka u yaal dalka waxaana muwaadiniita dhamaatood ku waajib ku ah ilaalinta hantida iyo qaynuunka u yaala dhulkeena hooyo Haddaan ka hadlo   xaga mucaaradka waxaan u arkaa in ay wali aanay bislaan siyaasadoodu waxaana taa cadaynaysa in aanay lahayn barnaamijyo ay ka muuqato wadaninimo iyo waxayaabo laga dheehan karo wax qabadyo oo ay kaga duwanyihiin xukuumada ahada talada haysa iyo yididlooyin waxqabad kana qayb qaadanaya kor u qaadida dhalinyarada , waxaana wanaagsan in aynu iftiimino aaytinka danbe waxaanan odhan lahaa mucaaradka in ay kula tartamaan soo bandhigida barnaamijo wax qabad oo hufan xukuumada iyagoo tix galinaaya bulshada gobta ah ee wadanka dagta ee aanu buurnayn dhaqaalahoodu aadkana u jilicsan yahay marka loo eego dunida inteeda kale qorshayaashaas oo muujinaysa yididiilo mustaqbalka fog ayaaba ka fiicnaan lahayd in ay mucaaradka iyo xukuumadu galaan dagaal maskaxda ah   oo laysku mariyo hawda kana dhalato calool xumo iyo cuqdad wadata tilmaamo cadaawadeedaba

Waxase muuqata inay isku hayaan kaliya kursiga bal aan isdultaagno shaqo laanta baahsan ee ku habsatay dhalinyarada iyo sababaha keenay oo aanad arkay muxaafid iyo mucaarid mid ka hadlaysa.

W/Q: Cabdinaasir Ismaciil Nuur

Email: drnasir908@Gmail.com