Qormadani waxay hordhac u tahay taxane aan ku qaada dhigi doono qorshaha xisbiga Cadaalada iyo daryeelka UCID uu kaga duwanaan doono xukuumada Kulmiye hadii uu ku guulaysto doorashada la filayo inay qabsoonto june 2015 hadii Eebe idmo.
Intaanan hoos u degin aan xasuustiina dib u yara celiyo oo aan tusaale u soo qaato dalka Libya.Berigii uu Qadaafi madaxweyne ka noqday Libya shacabkiisu waxay la daba galeen sacab iyo mashxarad,markaasuu ku dhaqaaqay inuu hir geliyo mashaariic badan iyo wax soo saar.Waxa lagu xasuustaa jidadka,biyaha,iftiinka(Electricity),shidaalka iyo beeraha oo uu gaadhsiiyay heer sare.Waxa uu adeegsan jiray buug uu u bixiyay (Green Book).Sanadahii ugu danbeeyay xukunkiisa waynu wada xasuusanahay halkuu la maray buugii cagaarnaa!!!
Taa waxaan uga gol leeyahay UCID isku qufuli mayso buug cagaaran sida Xukuumada Kulmiye ee is-hor dhigtay buuga cagaaran,dhagxaana UCID faraqa ku sidan mayo ee baahiyaha aasaasiga ah ayuu hagar la’aan ku hir-gelin doonaa.Xisbiga UCID aasi maayo xuquuqda iyo qaayaha muwaadiniyiinta,waxa ugu horayn doona waxqabadka xisbiga UCID…………
La Soco………..
Xuseen Xasan Badmaax
Human Rights Secr.
UCID
Hargeysa/JSL