Warbaahintu waa macalin,iftiin,toosin,tilmaan iyo wacyi gelin.Warbaahintu waa muraayada shacabku kala socdo xogta,qalooca xukuumada,horumarka iyo dalka guud ahaan ka socda,waxyaabaha joogtada,tegay ama soo socda ee dhinacyada siyaasada,arrimaha bulshada dibad iyo gudaba.Markaa xisbiga UCID waxa dhawri doonaa oo uu mudnaanta koobaad siin doonaa warbaahinta JSL.
Xisbiga UCID cabudhin maayo saxaafada,sharci darrana kula kici maayo sida xukuumada kulmiye.Maanta waxaynu wada ognahay xukuumada kulmiye inay dhibaatada dalka ugu ballaadhan ku hayso warbaahinta madaxa banaan oo ay goorta ay doonto iska xidho suxufi aan waxba dhimin,denbina aan falin,ka darane waxay xidhay oo ilaa maanta dulmi ku xidhan wargeys-yada Hubaal iyo Haatuf! Waxaynu ognahay tan iyo intay xukuumada kulmiye hogaanka dalka qabatay inay xidheen tirada ugu badan ee suxufiyiinta mudda 23ka sanno ah ee ay jirtay JSL,haddana ay xidhanyihiin 4weriye oo ay ku haysato maxaad kamarada noogu adeegsateen markii calanka kulmiye kabaha lagu masaxayay!!!!
Halkay xukuumada kulmiye ka adeegsan lahayd warka ay suxufiyiintu duubtay si ay helaan muwaadinka kaba ku masaxay ama falalka dhaca haduu denbi yahay.Waa ayaan darro iyo lama filaan saxaafadu ay kala kulanto xukuumada kulmiye hadh iyo habeenba.Waa halkii uu marayay xukunkii Afweyne 1979kii.Car juuq dheh iyo car wax naga sheeg hore ayaa loogu gubtay.
Xisbiga UCID waxay saxaafada iyo shacabka ugu ballan qaadayaa inuu baabiiyo dhamaan talaabooyinkaa ay xukuumada kulmiye kula dhaqmayso warbaahinta,dibna ugu soo dabaali doono xuquuqda dastuurku siiyay,waa sida qorshaha ugu jirta xisbiga UCID.
Xisbiga UCID waxa uu laali doonaa oo uu mam-nuuci doonaa ku dhaqanka xeerka ciqaabta ee ay xukuumada kulmiye ku fuliso warbaahinta.Xeerkaasi waxa uu meel kaga dhacaya aqoonta iyo garashada aqoonyahanka JSL.Waxa la diyaarin doonaa oo la fur-furi doonaa qodobada dastuuriga ah ee ku saabsan denbiyada muwaadinku galo waxaana lagu salayn doonaa shareecada islaamka,waxa la samayn doonaa qaabka ugu wanaagsan ee dhawriya xaqqa muwaadinka iyo xaqa suxufiga oo ka iman doonta maskaxda iyo aqoon-yahanada JSL.Xisbiga UCID jeebka kala soo bixi maayo awood sheegasho wasiir,madaxweyne ama ku xigeen oo uu u adeegsado saxaafada sida xukuumada kulmiye.
Qormadan waxaan ku soo afjarayaa,xisbiga UCID waxa uu xukuumada kulmiye ugu baaqayaa inay si dhakhsa wargeys-yada Hubaal iyo Haatuf uga qaadaa xukunka iyo xayiraada xaqdarrada ah,waa inay dhakhso xoriyadooda ugu soo celisaa suxufiyiinta baadilka,kibirka iyo dulmiga ku xidhan.
La Soco………….
Xuseen Xasan Badmaax
Human Rights Secr.
UCID
0634026100
Hargeysa/JSL