Sida aynu wada ogsoonahay isla markaana aan kawada dharagsanahay nabadu waa shay qaali ah waa wax aan noole iyo manoole toona laga maarmi karahayn Nabigeenii suubanaana naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaate waxaa uu ku ducaysan jiray oo uu ilahay bariyi jiray amni waxaanu arinkaasi ka horaysiiyey iimaanka taasina waxay daliil u tahay oo ay ku tusinaysaa muhiimada ay nabadu leedahay iyo in aan iyada la,aanteed la noolaan karahayn ama noloshuba aanay suurta gal ahayn dhinac kastaba.
waxyaabaha kale ee aan nabada looga maarmi karahayna waxaa ugu wayn waa cibaadada oo aan nabada la,aanteed la gudan karahayn suurta galna maaha in cibaado la gudti iyadoo amaan aanu jirin bani aadamkuna waxaa uu wax ku noqonkaraa hore u socodna ku samayn karaa waa marka uu amaan haysto hadaanu amaan haysan wax u suurto galahayaa ma jiro waa lakala yaacayaa oo ninkasbaa waxaa uu la fakanahayaa waa naftiisa cid uu eegayaana majiro.
dhinaca kale manoolaha marka la eego dhamaan waa la waayayaa oo hadaad u fiirsato wadanka waxaynu ku soo laabanay iyadoon xabad gidaar ahi taagnayn taasina waxaa sabab u noqotay waa dagaalka iyo burburkii ku dhacay iyo amaan la,aantii wadanka ka dhacday dhinaca kale hadaad eegto xataa u gaadhu kuma noolaan karayso meel aan amaan ahayn oo aan nabadina ka jirin hadaad eegtana dhamaan u gaadhii wadankeenu uu hoadanka ku ahaa dhamaan waxay u carartay una qaxday wadamada jaarka ah midhna lagama hayo taasina waxaa sabab u noqotay waa amaan darada iyo dagaalada wadan ka soo maray.
hadaba markaad dhinac kastaba ka eegto ahmiyada ay nabadu aadamaha u leedahay waxaad arkaysaa isla markaana kuu muuqanaysa in aan nabad la,aanteed la noolaan karahayn wax hore u mar ah oo inoo suurta galayaana ma jiraayo dadkuna way is wada dhacayaanoo ninba kan kale ee uu ka awooda badan yahay ayuu baacsanahayaa kana dhacahayaa waxa uu haysto.
hadaba waxan maanta maqaalkan gaaban igu qaday inaan diyaariyo waxaa ii muuqata rag waawayn oo masuuliyiin ah wadankana ka soo qabtay xilaal kala duwan qaarna ay wadanka u soo dagaalameen oo ahadana hadh iyo habeen ku baaqahaya dagaal iyo in xoog wax lagu muquunsho waxaa cod dheer ugu sheegahayaa oo aan dhahayaa waar dagaal wiilbaa ku dhinte wiil kuma dhasho, dagaal wadanbaa ku burburee wadan kuma dhismo, dagaal kursi laguma tagee waxaa lagu tagaa sharaf iyo karaamo iyo barnaamij cad oo aad umada aad la hor timaado hadaad hadh iyo habeen umadaad codka ka rabtay aad dagaal iyo balaayaa dhici kala dhamaan waydo ogow inaanad sidaa cod nagaga helahayn waayo waxaad duulimaa ku tahay hantida kaliya ee aanu dhamaantayo gaadhka ka wada hayno oo ah nabada.
sidaa awgeed waxaan idiin soo jeedinayaa waar wadanka inaad hogaamisaan xaqbaad u leedihiin laakiin wadadii ama dhabadii aad hogaanka wadanka qabashadiisa aad u soo mari lahayeen ayaa idinka qaloocan oo waxay idinka noqotay dagaal iyo colaad ku baaqid tubtaasina mid aad hogaanka wadanka ku gaadhahaysaane dib iskugu noqda.
guntii iyo gaba gabadii waxaan leeyahay waar nabad baa caano macaane ha la ilaashado oo hagar daamada halaga daayo.
W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUED ( ABU CIZA)