Thursday, November 6, 2014

UCID noqon maayo sida xukuumada kulmiye..Q.2aad

badmaax-300x270Qormadan waxaan ku dul mari doonaa aniga oo aan ka hor dhacayn arrimaha xisbiga UCID uu kaga duwaanaan doono xukuumada kulmiye hadii uu doorashada ku guulaysto.

Xisbiga cadaalada iyo daryeelka-UCID dalka ku hogaamin maayo xeerar uu ku danaysto sida xukuumada kulmiye kana hor imanaaya dastuurka.Waxqabadka xisbiga UCID waxa ugu horayn doona:

1.Xukuumad tiro yar oo tayo leh(12-18 wasiir).

2.Waxa la tir-tiri doonaa mansabyada wasiirka madaxtooyada,wasiir dawlaha.

Xisbiga UCID dhismaha xukuumada ku soo xuli maayo qabiil sida xukuumada kulmiye,waxa loo dejiyay qaab uu xisbigu soo bandhigi doono marka komishanka doorashooyinku ku dhawaaqaan goorta ay qabsoomi doonto.Dhismaha xukuumada UCID waxa u qorshaysan talaabada ugu horaysa oo ah:

< /font>A)Ku dhaqanka dastuurka.

B)Dastuurka in dib loo eego,lana furo.

Xisbiga UCID waxa uu dalka dib ugu soo dabaali doonaa ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda,waxa la samayn doonaa Constitutional Law and Criminal Procedure.Xisbiga UCID ku tuman maayo dastuurka sida xukuumada kulmiye.Qodobadaa aan taabtay waxay hordhac u yahiin qorshaha xisbiga UCID uu kaga duwanyahay xukuumada kulmiye ee faan badan.Hogaaminta xisbiga UCID waxa bud d hig u noqon doona dastuurka,waxa la tiri doonaa dhamaan xe erarka ka hor imanaya dastuurka ee ay xukuumada kulmiye dhaqan gelisay.Xisbiga UCID markuu arrimahaa si dhab ah u hirgeliyo waxa ku xigi doona oo qorshaha ugu jira……………..

 

La Soco………………