Thursday, November 6, 2014

Cirro: Muuse Biixi waxaan leeyahay Beenta Biyo iskaga dara”

cirroHargeysa(GNA):-Guddoomiyaha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal dhawaan uu warbaahinta mariyey guddoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah KULMIYE Md:Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in uu guddoomiye Cirro uu ku bogaadinaayo sixitaan uu sheegay in uu ku sameeyey Xeerka Diiwaan-galinta Medeniga iyo Codbixiyeyaasha ee shir-guddoonka Guurtidu ku soo celiyey wakiilla, kaddib markii mudaneyaal ka tirsan wakiilladu cabasho kala daba tageen xeerkaasi markii Guurtida loo gudbiyay, iyagoo ku andacoonaya in lagu daray qodobo dheeraad ah oo aan ahayn wixii goluhu ansixiyey.

Guddoomiye Cabdiraxmaa n Maxamed Cabdilaahi(Cirro) oo daba socda hadalo ka soo yeedhay Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo sheegay in Guddoomiyaha Wakiilladu uu saxay khaladkii Guurtidu ku soo celisay Xeerka Diwaan-gelinta, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaasi, isagoo ku adkaystay inaanu wax khalad ah oo uu saxay jirin, xeerkaasina uu maray nidaamkii ay mari jireen mashaariicda sharci ee labada aqal u kala gudba.

"Horta Muuse Biixi Cabdi,waxaa isagu kaayo dambaysay markii aanu madaarka ka soo wada dagnay Adis Ababa,dibna isumaanan arag,taleefana isumaanan dirin,arrintaas uu ka sheegay Saxaafada ama war-saxaafadeedkana waxaan halkan ka sheegaya in ay tahay arrin aan waxba ka jirin,anigu qirool aan sameeyeyna ma jirin oo gaf aan sameeyeyna ma jirin,xaal a an bixiyeyna ma jirin sida uu sheegayey.arrinta xeerkuna waxaa ay u taala xeer dajinta xeerka diiwaan galintuna waxaa uu haystaa oo uu maray ma jarahiisii saxda ahaa ama milgahiisii saxda ahaa ee ka dhaxeeya wada shaqaynta labada gole,golaha guurtida iyo anaga wada shaqayn ayaa naga dhaxaysa,way jiraan waraaqo ay ii soo qoreen golaha guurtidu iyo kuwo aan ugaga jawaabay laakiin warkaa muuse maaha war jira”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sida oo kale isaga oo hadalkiisa sii wata,waxaa uu hadal mal dahan uu u soo qaatay beenta uu Muuse Biixi ka sheegay,waxaana uu yidhi:“Waxaa la sheegayey nin reer Barbera ah oo Geelaha ka tirsanaa oo saaxiibadii la hadlaayey oo arrin uu doonayo in uu asturana ka sheekaynaayey,ayaa yidhi” waar bahashu idin dishayee Biyo iskaga dara,markaa anigu muuse waxaan leeyahay saaxiib dee basha biyo iskaga dar,aniga oo ixtiraamaya,ixtiraam wayna u haya,waxaan leeyahay warka la sheegayo ee masuuliyiintu sheegayaan waa in u noqdaa war la hubo oo la hubiyey oo xaqiiqo ah".

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI waxa kale oo uu cambaareeyay dhibaatada maalmihii la soo dhaafay ka dhacday Magaalada Berbera, taasoo uu ka tacsiyadeeyay dhinacyada ay saamaysay, uguna baaqay inay Dhulka dhigaan xaalada. “dhacdooyinka ka dhacay Barbera maalmihii ugu danbeeyey iyo shaqaadadaba aad ayaan runtii uga xumahay,waxaan kale oo aan ka xumahay mudanayaasha deegaanka ka tirsan ee dhibaatadu ay halkaas ka soo gaadhay”ayuu yidhi Cirro

Waxaanu intaas ku daray “Ma ogalin raalina kama nihin Xisbiga WADDANI-na raali kama aha in Ilma Xaaji Cabdi Indha Deero,loo gaysto dhib ama loo gaysto hantidooda iyo Xoolahooda midna sida oo kale raali kama nihin mana ogalin in Ilma Xaaji Cabdi ay dhib  ugaystaan dad kale oo ganacsato ah,dhamaan waxaan ugu baaqayaa shacbiga gobalka Saaxil in arrinta la dajiyo,masuuliyaduna waxaa ay saarantay dawlada gobalka iyo iyo dawlada dhaxe,dhacdada halkaas ka dhacdayna waxaan soo jeedinayaa in si dag deg ah loo baadho oo si cadaalad ah loo baadho oo cida gafka leh la abaal mariyo,waxaan u soo jeedinayaa in dhamaan dhinacyada ganacsatada ee halkaa ay arrintu ka dhaxaysaa ay u maraan ganacsigooda dariiqa sharciga ah,muwaadiniintuna waa ay u siman taha y,waxaana loo baahan yahay in aan cidina aanay cid ku gafin”Ayuu yidhi Mr:Cabdiraxmaan Cirro

Ugu danbayn Md:Cabdiraxmaan-cirro waxa uu baaq u diray xukuumadda iyo shacbiga Gobolka Saaxil oo dhan, waxaanu yidhi. “Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland gaar ahaan gobolka Saaxil in arrintaas la dajiyo,cidna looma baahna in ay sharciga gacmaheeda ay ku qaadato,oo ay iyadu fushato.Waxaanan sida oo kale aan soo jeedinayaa in arrintaas lagu dhameeyo si sharciga waafaqsan Xukuumadduna ay go'aan dag deg ah ay arrintaas ka soo saarto oo shacbiga iyo ganacsatada halkaas muranku ka dhaxeey muranka laga saaro. iyada ayaa uu xil ka saaran yahay.Markaa waxaan u soo jeedinayaa shacbiga guud ahaan reer Somaliland gaar ahaana gobalka Saaxil in ay dhamaantood ay arrintaas dhulka dhigaan,nabadana ay ka wada shaqeeyaan,arrintaasna lagu soo celiyo ma jaraheedii,ganacsigana nin waliba isaga oo dariiqa sharciga ah ee uu xaqa u leeyahay maraya in uu ganacsigiisa uu ka ganacsado"Ayuu yidhi guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.