Sunday, November 2, 2014

Taliyihii Bilayska Soomaaliya oo Aas-qaran loo sameeyey + Sawiro

aasa qaMuqdisho(GNA)-Aas Qaran ayaa loo sameeyay Taliyihii hore ee Bilayska Soomaaliya gelinkii dambe ee Maanta.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb galay Aaska Qaran oo gelinkii danbe ee maanta loogu sameeyay Dugsiga tababarada Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, Taliyihii Ciidammada Booliska Soomaaliyeed S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo oo maalintii khamiista ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiisha Ciidamadda dalka, Siyaasiyiin, iyo dadweyne kale ayaa wadajir marxuumka ugu tukaday Salaadda Jannaasada, waxana ay dhammaantood alle uga baryeen in uu jannaadiisa ka waraabiyo ehelladiisa iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Maydka Marxuum General Maxamed Sheikh Xasan Ismaaciil, ayaa maanta laga soo celiyay Magaalada Nairobi oo mayd-baaris loogu soo sameeyay, kaddib markii shaki laga muujiyay sababta geeridiisa.

Sawiro Dheeraad ah:aas qae aasa qa aasa aasap aasqa aasqasaasqas aasqa aasap aasa  aas qae MAYDKA

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com