Hargeysa(GNA)-Wali lama oga Natiijada ka soo baxday baarista lagu sameeyay Maydka Taliyihii Bilayska Soomaaliya General Maxamed Ismaaciil Xasan oo maalintii shalay loo qaaday Magaalada Nairobi, maantana dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.
Baarista Maydka Marxuumka ayaa Reysal-wasaaraha Soomaaliya uu u saaray Guddi wasiiro ku jiraan, waxaana hada Magaalada Muqdisho ka socda qabanqaabada Aaska Marxuumka.
Madaxweynaha Dalka Xasan Sheikh Maxamuud oo dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa maanta ku soo laabtay, kaasoo ka qayb geli doonaa aas Qaran oo loo sameynayo Marxuumka.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Guddida maamulaysa howsha Geerida taliyaha, hase ahaatee waxa horey u jiray shaki ah in Taliyaha loo qariyay Sun.
Alle ha naxariistee Gen. Maxamed Ismaaciil Xasan, ayaa Khamiistii ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, waxaanu u geeriyooday Xanuun ku soo boodo ah .
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com