Wednesday, November 5, 2014

Suldaan Hambalyo u diray Siyaasiyiin iyo Taageerayaal Miisaan leh oo ku biiray Waddani

mukhtaarHargeysa(GNA)-Suldaanka Guud ee Beelaha Bah-habar magaado Suldaan Mukhtaar Jibriil Muuse ayaa Hambalyo u diray Siyaasiyiin iyo Taageerayaal todobaadkan ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ka baxay kulmiye.

Suldaan Mukhtaar oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa dhinaca kale Dawladda ku dhaliilay inay Dayacday Shacbiga ku dhaqan Magaalo-ganacsiyeedka Wajaale oo todobaadkan Guryo badan iyo Hanti kale ku gubatay Dab qabsaday goobo Ganacsi iyo guryo hurdo oo la waayay Dab damis bakhtiiya.

Ugu horayn isagoo hambalyo u diraya Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Taageerayaashiisa ku biiray Xisbiga Waddani waxa uu yidhi “Anigoo Suldaan Mukhtaar Maxamed Muuse waxaan hambalyo u dirayaa Xildhibaan Siciid Cilmi iyo Taageerayaashiisa oo aan ku bogaadinayo sida kalsoonida iyo sharafta badan ee ay ugu biireen Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waxaanan go’aanka Xildhibaanka iyo Dad kale ee xisbigaa kula biiray u arkaan mid geesinimo leh oo ay Masiirkooda ku xaqiijinayaan, kaddib markii ay ku hungoobeen Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo laga waayay waxqabadkii iyo cadaaladii laga filayay ee uu umadda u balan qaaday.”

Shacbiga kale ee Somaliland waxaan leeyahay waxaynu u baahanahay Isbedel, hogaamineed oo aan ahayn kulmiye iyo Xukuumaddiisa, sidaasi darteed waa inaynu ka shaqaynaa sidii Asxaabta Mucaaridka ah loo xoojin lahaa si ay Doorashada sanadka dambe aynu u helno nidaam cusub oo wax qaban kara.”ayuu yidhi.

Waxaanu intaas ku dara “Waxa kale oo aan halkan tacsi uga dirayaa Shacbiga reer Wajaale Khasaarihii k ka soo gaadhay dabka, waxaanan ganacsatadii Meheraduhu ka gubteen iyo kuwii ku guryaha beelay aan leeyahay haloo gurmado oo waa in la caawiyaa, waxaanan aad uga xumahay sida ay Xukuumaddu u dayacday Dadka degen oo mar walba hantidoodu ku baaba’do Dab.

Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah Dab damis loogu iibiyo Magaaladan, waayo magaaladan waxa taalla hantida Somaliland qayb ka mid ah, markaa in la dayaco maaha”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Suldaan Mukhtaar Jibriil.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com