Wednesday, November 5, 2014

Shir-guddoonka Baarlamanka Somaliland oo la kulmay weftiga qaadhaan-bixiyeyaasha

[caption id="attachment_92164" align="alignleft" width="300"]Cirro oo Madaarka lagu soo dhaweeyay Cirro oo Madaarka lagu soo dhaweeyay[/caption]

Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan uu la qaatay Wefti heer sare ah oo ka socda qaadhaan-bixiyeyaasha Doorashooyinka iyo dimuquraadiyada ka taageera dalka oo maanta booqasho ku yimi Magaalada Hargeysa.

Cirro oo wariyeyaasha la hadlay kaddib kulanka dhex maray weftiga ayaa sheegay inay iska xogwaraysteen arrimaha doorashooyinka, diwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo qodobo kale oo la xidhiidha howlaha doorashada.

Waxa uu sheegay inay is-afgarad ka gaadheen dhamaan qodobada kala duwan ee ay ka wada hadleen, isagoo xusay inay wufuuda qaadhaan-bixiyeyaashu u cadeeyeen inay diyaar u yihiin dhinacooda dhamaan howlaha Doorashooyinka, isla markaana la diyaariyay dhaqaalaha ay ku caawinayaan.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray inay qaadhaan bixiyeyaashu danaynayaan inay qabsoonto Doorashadu xilligeeda, dib u dhacna aanu iman, “si wanaagsan ayaanu uga wada hadalnay arrimaha Doorashooyinka iyo Dimuquraadiyada ee ay inaga taageeraan wadamada deeq-bixiyeyaashu, si fiicana waanu isaga waraysanay”ayuu yidhi Cirro.

Weftiga ka socda Dalalka Daneeya doorashooyinka iyo dimuquraadiyada Somaliland ayaa maalmaha soo socda kulamo la yeelan doona madaxda Asxaabta Siyaasadda, Goleyaasha Baarlamanka iyo Hay’adaha kale ee doorka ku leh howsha Doorashooyinka.

Inkasta oo ay hore kulamo ula qaateen Hogaamiyeyaasha Saddexda Xisbi kulan ku dhex maray Magaalada Nairobi, hadana waxa muuqata in weftigani uu u socdo howlo xaqiiqo raadin ah oo ay ku dersayaan caqabadaha horyaalla Doorashooyinka Somaliland iyo miisaanka Khilaafka u dhexeeya Baarlamanka qayb ka mid ah iyo Xukuumadda oo isku maandhaafsan Xeerka Diwaan-gelinta medeniga ah oo uu Shir-guddoonka Golaha Guurtidu isagoo aan Golahooda gaadhin dib ugu soo celiyeem aqalka Xeer-dejinta ee la soo doorto oo uu ansixin aqlabiyad ah kaga soo gudbay, balse hadana xildhibaano ka tirsan ay ku doodeen inuu Guddoomiyahoodu qodobo jeebkiisa kaga darsaday Xeerkaasi markii uu Golaha ka baxay.

Sida la filayo Xubnaha Beesha Caalamka ka socdaa waxay doonayaan inay isku soo dhaweeyaan dhinacyada isku maandhaafsan Mashruucan sharci ee qabsoomida Doorashada daruuriga u ah.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com