Wednesday, November 19, 2014

Somaliland oo Joojisay Kalluunka dibadaha laga keeno

Cali buureedHargeysa(GNA)-Somaliland, ayaa ku dhawaaqday go'aan lagu  madnuucayo in dalka la soo geliyo Kalluunka dibada laga keeno ee Qasacadaysan iyo kan Freshka ah, sidaa uu daboolka ka qaaday Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha oo Warbaahinta la hadlay Arbacada Maanta.

Cali Jaamac Buureed, ayaa ka waramay heerka uu marayo Kalluumaysiga xeebaha ee dalka iyo baahiyaadka Kalluumaysatada Waddaniga ah oo uu sheegay inay qiimeyn ku soo sameeyeen gobollada dalka oo dhan.

Halkan ka Daawo Waraysiga wasiirka:



Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka lagu isticmaalo Kalluun Qasacadaysan oo laga soo dhoofiyo dalalka Dibada, kaasoo ku jira Daasado yar yar isagoo bisayl ah.

Isticmaalka Kalluunkan aan waddaniga ahayn ayaa ka badan kan qaydhin ee Xeebaha Dalka laga soo saaro, sababtoo ay tahay ma jiraan warshado soo saara Hilibkan oo intay warshadeeyaan suuga laga iibsado.

Hase ahaatee dhowrkii sanno ee u dambeeyay waxa Magaalada Hargeysa oo ah meesha ugu bulshada badan laga furay Makhaayado badan oo u khaasa Karinta Hilibka Kalluunka, taasoo muujinaysa in kor u kac jiro isticmaalka Oonta Kalluunka.

Mashruuca Horumarinta Bangiga Aaduunka, ayaa sanadkii hore bilaabay Barmaamuj lagu maal-gelinayo Kalluumaysatada Dalka, si kor loogu qaado wax soosaarkooda dhinaca badda. inkasta oo uu mashruucaasi maaliyad badan u qoondeeyay xoogsatada loogu talo galay, hadana wali ma muuqdo wax isbedel ah oo badan oo laga sameeyay la soo bixista Khayraadka Biyaha ku jira, siiba nooleyaasha la quuto ee kalluunku ka mid yahay.

Gobanimonews

Berbera Office

Email: editor@gobanimonews.com