Monday, November 3, 2014

Siciid Sulub: Xukuumadda Siilaanyo Biriij qudha kamay dhisin dalka, qabyaaladbaanay na bartay”

Wasiirkii hore ee Howlaha guud oo Saxaada Siyaasadda ka helay fursad uu ku dhaliilo kulmiyihii islaa waad ka takhalusteen baarqabyadii UDUB ee la saamaxay..

siciid sulubHargeysa(GNA)-Wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Guriyeynta Siciid Sulub ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay caadeystay ku dhaqanka Qabyaalada, Musuqmaasuq iyo maamul xumo aan xad lahayn.

Siciid Sulub oo maanta ka hadlayay Xaflada Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ku qabsaday Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay xukuumadda Kulmiye Iibinta Dhulka iyo Dhismeyaasha Dawladda u marto sifo ka duwan sidii ay xukuumaddii Rayaale u bixin jirtay.

“Xukuumaddii UDUB waxay Guryaha iyo Dhulka Dawladda siin jirtay Agoomihii ay ka tageen Mujaahidiintii dalka u soo halgamay iyo dadkii kale ee mudanka ahaa, sida Marwadii Madaxweyne Cigaal, Agoontii Ibraahim Sheikh Madar iyo kuwa kale oo badan, laakiinse xukuumaddani lama garanayo dadka ay siiso Guryaha iyo Dhulka”ayuu yidhi Siciid Sulub.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Howlaha Guud ee Xukuumaddii Rayaale, waxa uu sheegay inaanay Xukuumaddu waxba ku darin waxyaabihii wasaaradiisu qabatay, isla markaana aanay Hal buundo ku kordhin meelaha u baahan in Biriijyo laga sameeyo ee ka baxsan Magaalooyinka.

“Wasaaradda howlaha guud intii aan joogay Shan Buundo oo Biriijyo ah ayaanu samaynay, xukuumaddani shantaa sannadood ee ay joogtay waxa sameyn kari wayday Buundada yar ee Hudusay iyo Geel-loo-kor u dhaxaysa oo dusha ka yara dalooshantay, taasoo ay wali baabuurtu sidii uga leexato oo aanay marin”ayuu yidhi.

Siciid Sulub oo hadal dheer ka jeediyay Munaasibadan, ayaa qodobada kale ee uu xukuumadda ku dhaliilay waxa ka mid ah qabyaalada oo uu tilmaamay inay sal iyo baar ku dhex milantay nidaamka dawladnimada ee ay Xukuumadda Kulmiye hogaaminayso. Waxa kale oo uu dhaliilay qaabka ay xukuumaddu u isticmaasho qalabka warbaahinta ee dawladda oo uu sheegay in loo adeegsado aflagaadada Madaxda Mucaaridka. “xadhiga Saxaafaddu wuxuu ka mid ahaa waxyaabihii Xukuumaddani necbayd markay mucaaridka ahayd maantana waa waxyaabaha ugu dhiirantahay inay ku kacdo”.

Siyaasigan Siciid Sulub oo in muddo ah saaxada Siyaasadda aan lagu arag tan iyo markii uu Aakhiraystay Xisbigii udub ee lagu tilmaami jiray inuu ka mid ahaa Hogaamiyeyaasha ruuxiga ah ee ama Musdabeedka, ayaa dhawaan ku biiray Xisbiga Waddani ee uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kaasoo aad moodo inuu haatan ka helay fursad uu shaashada ugu soo fadhiisto Siyaasiyiinta Kulmiye ee islahaa Wasiirradii uu Siciid Sulub ka mid ahaa dib idiin soo jaleeci maayaan, marka la eego sidii ay dadku u naceen iyo cambaartii ay kala dhexleen hogaaminta waddanka saddexdii sannadood ee muddo korodhsigii Rayaale.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com