Monday, November 3, 2014

Is-rasaaseyn dhex martay Ganacsato reer Berbera ah iyo Wariye kale oo la xidhay

Berbera(GNA)-Ciidamada amaanka ee Magaalada Berbera ayaa xabsiga u taxaabay Wariye Maxamed Cabdilahi Soofadhiiste oo ka mid ah Suxufiyiinta ka howl-gala Magaalada Berbera.

Suxufigan oo hore uga shaqayn jiray Telefishanka Somalichanel, hadase tafaftire ka ah Mareeg Magaceeda la yidhaahdo berberatoday, ayaa laga qabtay goob ay saaka Rabshado gacan ka hadal ahi ku dhex mareen Maleeshiyo weerartay Dhul laga dhisayo Maxjar cusub oo ay weerareen Koox hubaysan oo sida la sheegay uu ka dambeeyo Maamulaha Shirkadda Deero ee Ilma indho deero, waa sida ay sheegeen goob-joogeyaal u dhuun daloola xudunta Israsaaseyn halkaasi ka dhacday.

Wariye Soo fadhiiste ayaa lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Magaalada Berbera, halkaasoo ay geeyeen Bilaysku markii ay soo qabteen.

Wax tafaasiil ah lagama hayo in waxyeelo loo geystay Wariyaha iyo Qalabkii uu ku shaqaynayay, hase ahaatee sida lagu baahiyay Shebekadda uu Tafaftiraha ka yahay “waa la xidhay, war intaasi ka faahfaahsanina kamuu soo bixin Bilayska, Maamulka Gobolka iyo Ururrada Saxaafadda toona.

Dhinaca kale, dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay in rasaaseyn xoogani dhex martay Kooxo Ganacsato ah oo uu ka dhexeeyo Muran ku saabsan Maxjarka cusub ee Magaalada laga dhisayo.

Wali ma cadda khasaaraha ka dhashay Tacshiirada ay isdhaafsadeen Kooxaha hubaysani, hase ahaatee warku wuxuu intaa ku darayaa in waxyeelo loo geystay Dhismaha Maxjarka cusub ee qabyada ahaa, kaasoo Kooxda soo weerartay burbur laxaad u geysteen.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helno magaaladu waxay sheegayaan inay hada xaaladu degentahay, inkasta oo gelinkii hore ee maanta xiisad ka dhalatay dhacdada maxjarka laga dareemayay.

Wariyaha la xidhay ayaa noqonaya kii saddexaad ee lagu xidho Waaran la’aan muddo todobaad gudihii ah, iyadoo Magaalada Gabiley ay wali ku xidhanyihiin laba wariye oo khamiistii ina dhaaftay warbixin ka diyaariyay dhalinyaro gadoodsan oo Calanka Xisbiga Kulmiye gubaya, qaarna kabaha iyo Baabuurta ku masaxayaan.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland iyo Madaxda Asxaabta mucaaridka ah ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga Wariyeyaashaasi, waxaanay ku cel-celiyeen in xoriyadooda loo soo celiyo, taasoo aanay xukuumaddu dheg jalaq u siin, isla markaana Maxkamaddaha Gobolka Gabiley ku riday xabsi ku hayn gaadhaysa laba todobaad maalintii shalay.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com