Saturday, November 8, 2014

Shir-doceedyada Wasiir Xirsi ee Dhalinyarada iyo damaca ku lamaan?Q2aad

SacadWaxan todobaadkii hore idiin soo gudbiyay Faaladan qaybteedii 1aad

 

Inagoo halkii kasii wadi doona qalinkeenii ayaan waxa hore ugu sii socon doonaa anba qaadkeenii labaad

 

Waxa aynu si qoto dheer isu dul taagaynaa Ciwaanka Faalada ee  Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali X. Xasan oo sida la ogyahay inuu si dhiiranaaan iyo firfircooni ku soo galay saaxada Siyaasada Somaliland isaga oo Talaabo Gorayo ku fuulay Masraxa Siyaasada oo in badan dadku ay wax iska waydiiyaan awoodaha Xukumigaa ee uu dheeryahay Masuuliyiinta Dhigiisa ah.

 

Hadaba taasi waa sahaalo ee waxa soo ifbaxaaya Inuu Damac siyaado ah leeyahay Mudane Xirsi Cali X Xasan oo uu dhaqdhaqaayo hoose oo oo dareenkooda aad loo xadiday uu wado oo ku salaysan damaciisa Siyaasadeed

 

Si uu hore ugu sii socdo una koriyo Hankiisa arintaana waxa uu ka bilaabay oodda dadka dalka ku nool ugu badan oo ah Dhalinyarada waxana had iyo jeer la arkaa isaga oo ka dhex muuqda Munaasibadaha Dhalinyarada ugaarkaa sidaynu hore usoo sheegnay Waxa uu Wasiir Xirsi Cali X Xasan Had iyo jeer u sameeyaa Dhalinyarada Casuumaddo Casho Sharafa oo tiro badan iyadoo mararka qaarkood

Ay dhacdo inuu ilaa 400 oo Arday uu u sameeyo Casuumadaha Noocaasa

 

Hadaba Way Wacantay in lasoo dhaweeyo Dhaliyarada Aqoonyahanada ah oo Niyada loo dhiso hadana Mushaharka Wasiirka iyo May is kefayn karaan Qarshiyaadka ku baxa Munaasibadaha Caynkaasa Taasi waa maya halkaas timir baa laf ku jirta

 

Waayahay hadaba intaa kadib la dareemay inuu Mudane Xirsi Tegay kulano hoose oo dhalinyarada somaliland qaarkood uu la qaatay iyadoo warar kalena ay sheegayaan inuu Wasiir Xirsi Dhaafay Dalka Gudihiisa oo uu Kumo lasoo yeeshay Dhalinyarada Dalka Debediisa Waxabarashada ugu Maqan Sida Kuwa Wax kabarta Jaamacadaha Dalka Itoobiya Gaar Ahaan Magaalada Jigjiga hadaba waxa uu Wasiir Xirsi Waxaas hawla u marayaa waxa kasoo baxaaya Damac ka sareeya kan imika dadku ku majeerto amaba ku maago had iyo jeer

Bal xaalku waxa uu marayaa Falaadhii Cirka Loo Tuuray nin walawaba Filo

Halkaas Maanta hayoogu Joogto Faaladu Lasoco

 

By Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad plucky

Qalin Ku Difaac Group Media