(GNA)Nin naftii hurre ah ayaa isku dhex qarxiyey muslimiinta shiicada ku nool dalka Nigeria xilli ay xusayeen maalinta cashuura.
Ugu yaraan 15-qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen weerarka naftii halaagnimo oo ka dhacay magaalo la yiraahdo Potiskum oo ku taalla Waqooyi Bari dalkaas.
Ciidamada ammaanka ayaa lagu soo waramaaya in ay dileen shan ruux oo kale markii ay goobta soo gaareen qaraxa kadib. Mana jiro cid sheegataya masuuliyadda weerarkan.
Balse weerarada noocaan ayaa looga bartay kooxda xagjirka ee Boko Haram oo kasoo horjeeda muslimiinta shiicada dalkaas ku nool oo ah kuwa laga tiro badan yahay.