(GNA)Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda kumeelgaarka ee Libya iyo maleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay magaalada bariga ee dekadda leh Benghazi.
Ugu yaraan 13-qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen dagaaladaas oo la isku adeegsaday hub noocyo kala duwan.
Boqolaal dad ayaa isaga cararay magaalada, iyadoo laga soo xigtay in diyaaraddaha dagaalka iyo taangiyada ay qeyb ka ahaayeen dagaalada.
Tan iyo markii xilka laga tuuray Hogaamiyihii hore ee Libya Mucammar al-Qadaafi, dalkaas waxaa ka aloosna dagaalo kala duwan oo u badan mid ku saleysan qabaa’il oo isku haysta xukunka iyo sida loo maareynaayo dhaqaalaha soo xarooda.