Wednesday, November 19, 2014

muwaadin ay walaalo yahiin W/ku xigeenkii Amniga C/laahi Abokor oo mudo shan bilooda xabsiga ugu jira kiiskii C/laahi Abokor.

,waxaan xidhanahay hada Shan (5)bilood waxaana la haystaa oo la igu yidhi C/laahi Abokor ayaad walaalo tahiin,....

,waxa la iga soo qabtay miyiga hawdka anigoo shirkada ka shaqaysanaay,

.nin sheegay inay walaahiin wasiir ku xigeenkii Amniga ee wasaarada arimaha gudaha C/laahi Abokor,

abokor

Hargaysa(GNA),nin sheegay inay walaalo yahiin wasiir ku xigeenkii Amniga ee wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland,C/laahi Abokor oo dhawaan maxkamadi xukun ku riday  ayaa mudo ku dhaw shan (Bilood ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Hargaysa,kaas oo sheegay in aan ilaa hada wax maxkamada la gayn loona haysto inay walaalo yahiin wasiir C/laahi Abokor waa sida uu hadalka u dhigaye maxbuuskan oo hada ku jira xabiga dhexe,ee Caasimada Somaliland,ee Hargaysa ayaa wariye Mustafe Axmed Herer oo ka tirsan shabakada wararka ee Gobanimonews.com u sheegay in loo haysto oo qudha inay walaalo yahiin C/laahi Abokor mar uu wariyahu todobaadkii hore lagu xidhay Saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa.

maxbuuskan oo magaciisa u sheegay wariye herer balse uu ilaaway ayaa cadeeyay inay walaalo yahiin wasiir ku xigeenkii amniga ee wasaarada arimaha gudaha somaliland, C/laahi Abokor, laguna haysto hayb ah inay walaalo yahiin isaga oo sheegay in aanu wax dabiya gaysan balse lagu soo xidhay markii la soo qabtay inay walaalo yahiin C/laahi Abokor, mudo shan bilood hada laga joogo,waxaanu sheegay in laga soo qabtay Deegaan magaalada hargaysa kaga beegan dhanka koonfureed oo miyiya wakhti  maalina oo uu ku jiray shaqo shirkadeed, ilaa hadana aan wax maxkamada la horkeenin islamarkaana aan loo sheegin dabigiisa marka laga reebo ayuudhi in C/laahi Abokor oo xukuumadu rumaysantahay inuu dabi ka galay dalka ay walaalo yahiin, waa sida uu sheegaye.

maxbuuskan ayaa madaxweynaha Somaliland iyo Haayadaha Xuquuqada u dooda ugu baaqay inay wax ka qabtaan Cadaaladaro uu sheegay inuu ku xidhan yahay si xoriyadiisii dib loogu soo celiyo,

si kastaba ahaatee dhacdadan ayaa ah mid wax badan u dhimaysa nidaamka dimuquraadiyadeed iyo Haayadaha garsoorka Qaranka Somaliland, iyada oo ay isa soo taraayaan cabashooyinka iyo dhaliilaha loo soo jeedinaayo Haayadaha Garsoorka Somaliland,oo nidaamkooda cadaaladeed dadku ay ka cabanayaan.

Mustafe Axmed(Herer)

Gobanimonews.com

Hargaysa/Somaliland.

email:herersax@gmail.com

 

.