Wajaale(GNA)-Boqolaal Qof ayaa isugu soo baxay Magaalada Tog-wajaale, kuwaasoo ka cabanaya maamul-xumo iyo adeeg la’aan baahsan, kaddib markii dabqasaday guryo goobo Ganacsi iyo guryo kale dab-damis bakhtiiya loo waayay.
Mudaharaadeyaasha ayaa socod ku dhex maray Magaalada dhexdeeda waxaanu ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dawladda oo ay ku eedeeyeeen inay dayacday, isla markaana masuul ka tahay dab damis la’aan iyo hoos u dhaca kale ee adeegyada aasaasiga ah.
“Kuwii shalay Eyda u xidhay Calanka UDUB ayaanu ahayn, maantana Kulmiye wax allaale waxaanu ka haynaa ma jirto”, ayuu yidhi mid ka mid ah Mudaharaadeyaasha oo warbaahinta la hadlay.
Halkan Muuqaal Dhamaystiran: