Hargeysa(GNA)Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa caddeeyey inaanay habajirin wax khaladaad ah oo ku jiray Xeerka Diwaangalinta medeniga iyo codbixiyeyaasha ee uu golaha Guurtida u gudbiyay, balse shir-guddoonka Guurtidu dhexda ka soo celiyay, kaddib markii mudaneyaal ka tirsan Wakiilladu ay ogaadeen sida ay ku doodeen in wax lagu daray xeerkaasi sidii lagu ansixiyey.
Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sidoo kale beeniyay inuu Guddoomiyaha guurtida todobaadkii u dambeeyay u qoray warqad uu ku saxayo Khaladaadkii uu galay, isagoo meesha ka saaray jiritaanka wax isdaba-marin uu gadaal ka saxay oo xeerkaasi ku jira, taasoo ay Warbaahinta dalku baahisay Todobaadkan.
Halkan ka Daawo: