Thursday, November 6, 2014

Mooshin ka dhan ah Reysal-wasaaraha Soomaaliya oo baarlamanka loo gudbiyay

reysal-wasaareMuqdisho(GNA)-Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la horgeeyey mooshin ka dhan ah ra'iisalwasaaraha oo la doonayo in kalsoonida lagala laabto.

Mudane Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in mooshinka lagu caddeeyey eedeymaha ka dhanka ah ra'iisalwasaaraha.

Arrintan ayaa ka dambeysay khilaaf u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Khilaafka labada Masuul ayaa gaadhay heer aad u sareeya, laguna kala calaf qaado Aqalka baarlamanka.

Qaramada Midoobay iyo daneyayaal kale oo arrimaha Soomaalida saameyn ku leh, ayaa walaac ka muujiyay Khilaafka, waxaanay soo jeediyeen in isfaham lagu dhameeyo.

Waxa kale oo ay Qaramada midoobay ka digeen inaanay Xildhibaanadu laaluush u qaadan sidii ay u ridi lahaayeen Wasiirka Koowaad ee xukuumadda. Taasoo lagu eedeeyay xubnaha dhinaca Madaxweynaha u janjeedha ee Mooshinka soo dhigay.

Laakiinse iyaga laftoodu waxay iska difaaceen eeddaha loo jeediyay.

Waa ra'iisalwasaarihii labaad ee laga keeno mooshin tan iyo markii la soo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaqada ka eryay Ra'iisalwasaarihii ka horreeyey Cabdiweli, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, bishii December ee sanadkii tegay ee 2013-ka.