Horaantii Bishii ramadaan ee aynu soo dhaaf nay La xukumay Nin Lagu Eedayay Inuu dad Laayay isla markaana uu xukunku ka dhacay Magaalada Burco ayaa labada dhinac waxaa ay isku afgarteen inay kala qaataan Xoolaha Diyada Ah ee Heshiiska Lagu gaadhay.
Magaalada Caynaba waxaa maalintii shalay gaadhay Gudoomiyaha gobolka togdheer,Gudoomiyaha Maxakamada Gobolkaasi iyo Xeer ilaaliyaha gobolka togdheer si ay u kala mariyaan Geel Kiiskaasi,Balse uma aysan suura gelin in ay Fulin ku sameeyaan Geel kiiskaasi Ka dib markii uu Arintaasi oo ay soo amartay in La Fuliyo Wasaarada Arimaha Gudaha ee Somaliland Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saraar Ibraahin Jaamac Maxamed ahna kusimaha Gudoomiyaha gobolkaasi oo Lagu eedeeyey inuu kazoo jeedo Beesha kiiskan Loo Marinayo.
Qaar ka mid ah cuqaasha iyo waxgarad kasoo jeeda beel degta gobolka saraar gaar ahaana Magaalada caynaba ayaa baaq u diray xukuumada Somaliland Gaar ahaana wasaarada Arimaha Gudaha oo ay ku Dalbanayaan In Si Degdeg Ah wax looga qabto Xaalad Abuuri karta Amni Daro oo Ay Wadaan Siday Sheegeen masuuliyiinta maamulka Gobolka Saraar.
Sida ay Warbaahinta u sheegeen Odayaashan waxaa ay tibaaxeen in Geel Tira Badan uu Hada tuban yahay Caynaba Taasina loo baahan yahay sidii loo fulin lahaa Xukunkii Ay wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland,Xeer Ilaalinta,Maxkamadaha Guud Iyo Rafcaanka ee dalku Kasoo Saareen Diyadan u Dhaxaysa Labada Beelood Ee Walaalaha Ah ee Wada Dega Gobolka Saraar.
Waayeelkan Ayaa waxaa ay ku Ee deyeen Gudoomiyaha Gobolka Saraar Ibraahin Jaamac Maxamed Inuu Is hortaagay Gudidii Loo Soo Wakiishay Fulintan Kiiskan Iyo Marinta Geel Kiiskan,isla markaana uu diiday inay qabtaan hawshooda isagoo ku amray siday sheegeen Inay Isaga kusoo wareejiyaan Si uu u Fuliyo iyagoo intaasi ku daray in gudoomiyuhu kazoo jeedo dhinaca kiiskan loo marinayo isla markaana aanu ku haboonayn inuu dhexdhexaad ka noqdo dhamaystirka hawshani.
Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaa La sugayaa in maalmaha Soo Socda Lasoo Afjaro Utumahaasi Ooh ore Heshiis Rasmi ah looga Gaadhay isla markaana Gacanta la Isku saaro labada Beelood ee Walaalaha ee <Mudada Bacadjooga U Ahaa Cid u gar qaada oo hawshooda Dhamaysa