Amar ka soo baxay Garsooaraha Maxkamadda Mexico, ayaa lagu sii daayay bad mareen u dhashay dalka Maraykanka oo horaantii sanadka lagu xukumay xadhig, kaddib markii lagu eedeeyay inuu hub sharci daro ah isaga gudbinayay xadka labada dal.
Andrew Tahmooressi, ayaa Qaadiga Maxkamaddu amray in la sii daayo iyadoo aan dib loo eegin xukunka ku dhacay, waxaanu xoriyadiisa helay xadhig sideed bilood ah kaddib.
Qoyska Nin Dawlada Mexico soo daysay ayaa si diiran u soo dhaweeyay dib u soo noqoshada wiilkan oo bishii January ka tegay gurigooda Gobolka Florida.
Qoyska uu ka soo jeedo Ninkan ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay "Waa dareen baaxad weyn oo ay guushu ku gargaarka tahay in Andrew maanta la sii daayay ka dib markii 214 cisho ee Xabsiga Mexico uu jiray."ayaa lagu yiri beyaanka.