London(GNA)-Boqortooyada Uk, ayaa markii ugu horaysay muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dibadaha, si aanay ula kulmin weerarro aar-goosi ah oo kaga yimaada Dawladda Islaamiga ah ee Daacish.
Britain ayaa ka qayb-qaadanaysa duulaanka lagu wiiqayo Islaamiyiinta ISIS ee ka sii fididaya Syria iyo Ciraaq, kuwaasoo ay reer galbeedku walaac xoogan ka qabaan.
Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa dadka British ka ah uga digay inay u safraan dalalka dibadda.
Xafiiskaasi ayaa sheegay inay dadkani wajahaayaan weeraro ah oo Jawaab u noqdo weerarada ka dhanka ah dowladda Islaamiga ah ee ay Britain ka qeyb galayso.
Waaxda Socdaalka ee Dalka Britain ayaa sidoo kale cusboonaysiinaya talooyiinka safarada dhammaan dalalka caalamka ay ku tagayaan dadka British ka ah, waxaana loo sheegay inay feejignaan muujiyaan.
Diyaaradaha militariga Britain ayaa ka mid ah xulafada reer galbeedka iyo carabta ee la dagaallamaya Khilaafada Islaamka, kuwaas oo dhul aad u ballaaran ka haysta Suuriya iyo Ciraaq.