Nairobi(GNA)-Alle ha naxariistee Jinaasada Taliyihii hore ee Bilayska Soomaliya oo Khamiistii ina dhaaftay u geeriyooday Mowtal-qafle ku soo booday, ayaa loo qaaday Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya si halkaasi mayd baaris loogu soo sameeyo.
Reysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa guddi u magacaabay Baarista Maydka AHN General Maxamed Ismaaciil Xasan, kuwaasoo isugu jira Wasiirro iyo Masuuliyiin kale, waxaana maanta oo sabti ah loo qaaday janaasada Magaalada Nairobi, iyadoo Diyaarad laga saaray Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
General Maxamed Cumar Madaale oo xubin ka ah Guddida loo xilsaaray baadhista Maydka, ayaa warbaahinta sheegay “Sida aad goob joog ka tihiin waxaa maanta Nairobi loo qaaday Meydka Marxuum Sareeyo Guuto Maxamed Ismaaciil Xasan, Taliyihii ciidanka booliska, si baaris sharci ah loo marsiiyo, natiijada baarista waqti ayaa la sugayaa, Madaxda Qaranka horey ayay bulshada Soomaaliyeed uga tacsideeyeen geerida Marxuumka” ayuu yiri Jeneraal Madaale.
Maydka Marxuunka ayaa markii la gaarsiiyay Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Nairobi waxa lagu wareejiyay Saraakiil ka tirsan Bilayska Dalkaasi oo u qaaday cisbitaalka lagu baarayo, sida ay muujinayaan Sawirro lagu baahiyay mareegta Allbanaadir.
Lama oga mudadda ay qaadan doonto baarista Maydka Taliyuhu, hase ahaatee waxa la filayaa in maalmaha soo socda natiijo ka soo baxdo.
Waana markii ugu horaysay oo masuul dawladdeed oo geeriyooday shaki intan le’eeg awgii Mayd baaris lagu sameeyo,waxaase isweydiinta taagani ay tahay waxa ay noqon doonto natiijada soo baxdaa iyo talaabada ay dawladdu qaadi doonto hadiiba dhimashadiisa sabab looga dhigay Sun ama wax kale oo si badheedh ah loogu dilay.