Hargeysa(GNA)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa la sheegay in la isugu kal-fadhi aan caadi ahayn, ajandihiisana aan la ogayn, Isniinta toddobaadkan oo ku beegan 3 Noverber, 2014.
Ma jiro war amuurtaa ku saabsan oo qalabka Warbaahinta kasoo gaadhay, kaasoo mudaneyaasha lagu ogaysiiyey fadhigan, hase-yeeshee sida uu daabacay Wargayska Yool oo soo xiganaya ilo-wareedyo kala duwan oo uu ka soo xigtay Golahaasi, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Shalay soo saaray qoraal uu ku wargelinayo Mudaneyaasha Golehaasi inay isugu yimaadaan kal-fadhi aan caadi ahayn. Sidoo kale ujeeddada kal-fadhigan aan caadiga ahayn ee Golaha Guurtida la isugu yeedhay iyo muddada uu qaadan doono, hase-yeeshee waxa la filayaa in ujeeddada loogu yeedhay gudo-galka doodda Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee dhawaan Golaha Wakiiladu u soo gudbiyey Guurtida, hase-ahaatee uu hakiyey Shir-gudoonka Golaha Guurtidu, kadib markii ay sheegeen in Xeerka wax is daba-marin lagu sameeyey, taasoo sababtay in khilaaf Dastuuri ahi oo cilinkiisa la saari waayo ka dhex-qarxo Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida Xukuumadda.
Sidoo kale xogaha arrinkan ku saabsan ayaa sheegaya in aanu kal-fadhiga Guurtidu noqon doonin mid ay soo baxaan go’aamo dhaxal-gal ah, balse uu yahay xeelad Xukuumadda Iyo Shir-gudoonka Guurtidu ugu talo-galeen inuu bilaayo xijaab uga noqdo eeddo ama gol-daloolooyin ay soo jeediyeen Wufuud isugu jira ka socda Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD iyo Safiirro ka socda qaar ka mid Wadamada Qaaradaha Dawlada Midowga Yurub iyo Ameerika oo la filayo inay Somaliland soo gaadhaan Salaasada toddobaadkan oo ku beegan afarta (4) bishan November.
Geesta kale waxa la filaya in Golaha Guurtidu isagoo iska leexinaya tuhunkii laga qabay dhex-dhexaadnimadiisa inuu kal-fadhigan aan caadiga ahayn uu ku ansixiyo Xeerkii murranka dhaliyey wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee abuuray murranka Dastuuriga ah, balse go’aanka dhabta ahi waxa uu ku xidhan yahay nooca uu noqdo mawqifka iyo go’aanka uu hadba Guddoomiye Saleebaan ku jiheeyo Odayaasha Golaha Guurida.