Thursday, November 6, 2014

Masuuliyiin iyo Madaxdhaqameedya Tacsi diraya

Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhka Mucaawimooyinka Somaliland Yusuf Cismaan Garas, Maareeyaha Xoogga Korantada Axmed-yaasiin Awmaxamed Jaamac, Muj. Caydaruus Maxamuud Yuusuf, hogaanka sare iyo dhamaan xubnaha Ururka Curad, aqoonyahanka Mustafe Ibraahim, Prof. Maxamuud Xuseen Faarax, Muj. Maxamed Xasan, Maxamed Daahir Axmed, Maxamuud Daahir, Xayle Khasbaaye, Xildhibaan mawliid Nuur Sidci iyo Boqor Caydaruus Cabdisamad, Suldaan Axmed-daahir Muuse iyo Prof Axmed Xasan, dhamaan Masuuliyiintan iyo Madaxdhaqameedyaddani waxay tacsi u dirayaan geerida ku timi Ilma Jaamac Nuux Khayre oo uu Alle ha naxariistee Aabbahood Jaamac Nuux Khayre ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Maanta.

Waxa kale oo ay Geerida Marxuumka ka tacsiyadaynayaan Maamulka iyo Shaqaalaha Shirkadda Daallo Airlines oo uu ka tirsanaa,

Waxaanay Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaan inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo Ilkana u nuuro, ehelka, asxaabtii, Qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxayna inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo.

 

Aamin               Aamin           Aamin