Wararku waxay sheegayaan in 5 ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha markabka la weeraray ay geeriyoodeen 8 kalena ay dhaawacmeen.
Kooxda weerarka qaaday oo watay 4 doonyood oo nooca dagaalka ayaa gantaalo ku garaacay markabka oo taagnaa meel qiyaastii 45 mile u jirta magaalada dekeda leh ee waqooyiga Masar ku taala ee Damietta.
Militrryga Masar ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 32 oo ka mid ahaa kooxdii weerarka geysatay waxaana wakaaladda wararka Reuters ku waramaysaa in ciidamo wata doonyo dheereeya iyo diyaarado loo diray si ay u baacsadaan kooxda weerarka qaaday.
Warbaahinta qaar ayaa tabisay in markabka dagaal ee la weeraray uu dab ka kacay oo la arkayay qiic ka baxaya.
Ma jirto cid sheegatay willi mas’uuliyadda weerarkaas.
Dhanka kale koox hubeysan ayaa maanta weeraray safaaradaha dawladaha Masar iyo Iskutaga Imaaraatka ee ku yaala magaalada Tripoli ee caasimada dalka Libya.
Wararku waxay sheegayaan in weeraradu qaraxyo ku bilowdeen kadibna ay rasaas xigtay wilina khasaaro lama soo warin.