Thursday, November 13, 2014

Dawlada Ukraine oo lacag ku baadi goobaysa ruuxii toogtay haweeney Al-Shabab ka tirsaneyd

images(GNA)Hay’adaha sirdoonka dalka Ukraine ayaa sheegay inay lacag dhan hal milyan oo dollar ay ku baadi goobayaan ruuxii toogtay haweeeney u dhalatay dalka Britain oo muddo dheer ka tirsaneyd Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya ka aas aasan oo la aaminsanyahay in 2 todobaad ka hor in lagu toogtay bariga wadanka Ukraine.

War kasoo baxay sirdoonka dalka Ukraine ayaa waxaa lagu sheegay inay ku doonayaan lacag dhan hal milyan uu dollar ruuxii toogtay Samatha Lewthwhite oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Sirdoonka Ukraine waxay sheegeen inay aaminsan yihiin haweeneydaan uu toogtay liishyahan u dhashay dalka Rush,ka oo wajiga qarsaday xilli ay ka bad bar

Xogta aynu hayno ayaa sheegaysa in haweeneydaan ay caawinaysa koox la yiraahdo Aidaar waxaana toognay nin liishyahan oo Rush,ka u dhashay oo hadda aanu ku doonayno hal milyan oo dollar” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hay’ada sirdoonka dalka Ukraine oo warbaahinta wadankaasi lagu qoray.

Dadka falanqeeya arrimaha ururada argagixisada lagu tilmaamo waxay aaminsan yihiin in Samatha Lewthwaite ay u tagtay wadanka Ukraine si ay taageero ugu hesho ururka Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya ka dagaalama.

Samataha Lewthwaite oo madaxa galinaysa da’da Sodomeeyada waa hooyo 4 caruur ah leh muddo ayayna ka tirsanaynd hogaamiyaasha ajaanibta ah ee Al-Shabab ka tirsan waxaana lagu eedeeyay inay door weyn ka cayaartay weerarkii sanadkii hore lagu qaaday suuq ganacsi oo caasimada Kenya ku yaala oo Westgate la yiraahdo.

Haweeneydaan oo ka mid ah shaqsiyaadka loogu doondoonista badanyahay waxaa mar la sheegay inay Soomaaliya uu ku guursaday mid ka mid ah hogaamiyaasha sar sare ee Al-Shabab dhawaana waxaa warbaahinta Ingiriisku tabiyeen inay Soomaaliya ka baxday oo ay dumar fara badan oo Soomaali ku jiraan ku tababarto dalka Syria ayadoo ka tirsan ururka Daacish.