Tuesday, November 11, 2014

Khilaafka Madaxda Soomaaliya oo Mugdi gelisay rejada Shacbiga iyo higsiga 2016

Reysal-wasaare C/wali oo ka digay in Khilaafka u dhexeeya Madaxweynuhu Ban-jariyo gaarista Higsiga 2016 iyo dib u dhiska Dalka

reysal-wasaareMuqdisho, 11, Nov, 2014....(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feederaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ku tilmaamay khilaadka siyaasadeed ee hadda dalka ka jira inuu u baahan yahay in lagu xaliyo wada xaajood iyo is qancin, hadii kale uu saameyn ku yeellan doono geedi-socodka dib u dhiska dalka iyo gaarista hiigsiga 2016, oo la rabo Soomaaliya in ay ka dhacdo doorasho ay ka qayb qataan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Reysal-wasaare Cabdiwali oo hadalkan jeediyay maanta oo Salaasa ah, xilli uu buuq ka taaganyahay Mooshin ka dhan ah oo loo gudbiyay Golaha Baarlamanka, isla markaana fadhigii Maanta ee Golahaas uu hakiyay socodsiinta ridista Xukuumadda, kaddib markii uu shir-guddoonku ku gacan-saydhay in mudaneyaasha loo furo mowduuca Mooshinka.

“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray 24-kii sano ee la soo dhaafay colaado, abaaro, qalalaaase siyaasadeed oo u horseeday bur-bur soo gaara haykalkii dowladnimo ee dalka. Anagoo ka tusaale qaadanayna dhibaatooyinkaas na soo maray, waa inaan dhamaanteen u wada istaagno samatabixinta dalka iyo dadka. Waana in aan meel uga soo wada jeedsano sidii aan u ilaalin lahayn ku dhaqanka dastuurka KMG iyo sharuucda kale ee dalka u yaala” ayuu yiri RW Cabdiwali.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkisa sii wata ayaa yiri “ Wax kasta oo khilaaf siyaasadeed ah waxaa haboon in loo maro hab ku dhisan wada xaajood, is qancin iyo u turid dowladnimada curdanka ah ee Soomaaliya.”ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ku tilmaamay arrimaha hadda socda in ay yihiin kuwo saamayn kara nabad ku soo dabaalida dalka iyo ciribtirka argagaxisada, hirgalinta iyo xaqiijinta nidaamka federaalka. “Waxa sidoo kale mudan in la tixgaliyo lana dhiiri galiyo dadaaladda beesha caalamku ee ku aadan dib u dhiska dalka iyo xaqiijinta higsiga 2016-ka.”ayuu yiri.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha C/wali wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in loo baahan yahay in awooda dhan laysugu geeyo taaba galinta howlaha qorshaysan ee lagu gaarsiinayo dalka doorashooyin xorr ah oo ka dhaca sanada 2016.

Khilaaf culus ayaa u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Reysal-wasaaraha, kaasoo dhinaca Madaxweynaha ka gaarsiisan in kalsoonida loo qaado Xukuumadda Cabdiwali Sheikh.

Lama saadaalin karo halka uu ku dambeyn doono Khilaafka u dhexeeya madaxda ugu saraysa dawladda, hase ahaatee sida dhaqan ahaan looga bartay Madaxda Soomaalida way adagtahay in isu tanaasul dhaco, hadii uu yimaadana ma noqda mid midho dhal yeesha.

Waxaanay hogaamiyeyaashii Soomaaliya soo maray oo dhan caado ahayd inay marba reysal-wasaare bedelaan oo ay keenaan mid cusub oo u dhego nugul, taasina waxay meesha ka saartaa Akhtiyaariyaadka waajib gudashada Xukuumadda.

Cabdiwali Sheikh Axmed waa reysal-wasaarihii labaad ee uu Xasan Sheikh bedelo muddo laba sano ah oo uu xukunka hayay.

Gobanimonews

,Muqdisho Office

Email; editor@gobanimonews.com