W/Q: Xamze Siciid Kuuriya
Wacays wuxuu ahaa wiil ku nool meel tuulo ah, waqtigu wuxuu ahaa mid gu’ ah oo dhulka baadka ka baxay dhammaan wuxuu ahaa mid cagaaran oo qurux badan.
Waxay ahayd goor casar gaab ah oo cadceeda casar cidhifka la gashay godkeedii, muuqaalka cirku waxa uu ahaa midaan daruuro badan lahayn, dhagaha waxa ku soo dhacayay codadka shimbiraha ee kala duwan iyo foodhida raha.
Waa xilli dhiiluhu caano ceegaagaan oo dhay iyo may-dhanaanba ka buuxaan, xooluhuna dharag ay la jiifaan oo mid walba meeshii ku beegnayd baadka markay ka haagtay ee ay dhamayn kari wayday fadhiga miciinsatay.
Laydha qabow ee dhacaysa waxa ku lamaan saxnsaxo udgoon oo xareed ka urayso, Wacays wuxuu leeyahay Geel boqol ku dhawdhaw laakiin waa doob aan u jeesan xagaas iyo Dumarka oo Haasaawe iyo guurtoona iskuma hawlin.
Wacays waxa maalmahaa ka lumay Geelii oo uu daaq geeyay, waxaanu baadi-doon u galay sidii uu u soo heli lahaa geella ka lumay, isaga oo socodkii ku guda jira ayuu la kulmay gabadh gashaanti ah oo Illaahay ku manaystay qurux iyo joogba, oo xayn Adhi ah caraabinaysa. Wuu salaamay in kasta oo aanu aftahan ku ahayn xaga dumarka hadana Rag dammac iyo dacaritoona kama dhamaatee wuxuu ku ashqaraaray yartan quruxda Illaahay ku maystay ee jidh iyo joogba dhamaystiran.
Falaadh caashaq ayaa dhanka bidix ka wareentay oo dareen galisay, salaan ka dib waa lays waraystay iyada oo geed dhabarkii ka soo jeedisay qoorteeda kana muuqdo dareen xishood farabadani.
Is waraysi ka dib in muddo ah ayaa hasaawe hufani dhexmaray, waxaanay aakhirkii kala qaateen tilmaan, iyadoo gashaantidaasi magaceeda ugu sheegtay in la yidhaahdo Warsan, waxaanay kadib u sheegtay inay sii caraabayso, kadib waxay usha la daba gashay xaynteedii adhiga ahayd isna socodkiisii baadi-doonka ahaa ayuu sii watay.
Wacays isagoo socodkiisii ku sii jira ayuu naftiisa la sheekaystay waxaanu u sheegay in haatan ay gaadhay wakhtigii uu guursan lahaa maadaama uu haysto xoolo ku filan oo uu reer ku dhiqi karo.
Muddo yar kadib Wacays wuxuu soo helay Geelii oo uu xerada ku soo hubsaday, waxaanu habeenkaas uu geella soo xereeyayba u ciyaar-guday aroos ka dhacayay meel u dhow qormada ay degenaayeen reerka ay ka dhalatay inantii Warsan, isagoo markii uu goobtii loogu ciyaarayay arooska galayba isha ku dhuftay Warsan oo meel ku beegan halka uu fadhiyo kuduuda oo soo eegaysa, goor uu kacayba wuu garan waayay oo uu la fadhiistay.
Habeenkii oo dhan ayay ciyaar-dhaqameedkii islaba-rogayeen, iyadoo markii ciyaartii lagu kala caraabayna ay Wacays iyo Warsan cagta isku soo dareen, waxaanay hadal isla tiigsadeen markii ay soo gaadheen duleedka guriga Warsan reerkoodu degan yahay. Wacays lama gaban hadalkiisee wuxuu markiiba u bandhigay Warsan inuu yahay guur-doon oo uu diyaar u yahay inuu guursado iyada lafteeda oo naftiisu ku qanacday. Kadibna Warsan oo afka shalmada saartay ayaa waxay u muujisay dareen raali inay ka tahay oo iyada lafteedaba caashaqu haleelay, sidaasayna isku maca-salaameeyeen.
Wacays markii uu soo hoyday habeenkaas hurdo muu ladin, oo waxaa dareenkiisa buuxiyay farxad caashaq, iyadoo dhanka kalena Warsan lafteeduna aanay habeenkaas labada indhood isku keenin.
Barrigii hore inanka iyo inantu markay guur u kacaan dhankiisa ee ay is calmadaan intaanay hawsha guurka galin ayuu midba midka kale soo ogaan jiray qoyska iyo reerka uu ka soo jeedo, sidaas daraadeedna midba midkii kale ayuu soo ogaaday reerkoodii iyo qoyskoodii oo uu ka soo helay xog.
Wacays iyo Warsan markii ay isla waafaqeen inay is-guursigooda u hawl-galaan, ayaa waxa soo waajahday carqalad adag oo hawlbowlaha goysay heshiiskoodii guur, taas oo aanay meeshaba soo dhigan. Waxa jirta colaad u dhaxaysay labada reer ee ay hayb ahaan ka soo jeedaan, kuwaas oo ay u dhexaysay godob soo kala dhexgashay labada reerkood wakhti ku beegan intii aanay labadooduba dhalan, iyadoo uu dhexmaray dagaal qadhaadh oo keenay khasaare naf iyo maalba lagu waayay laakiin aanay iyagu ka war qabin oo aanay maqal xataa maadaama ay colaadaasi ahayd mid dhacday waqti fog.
Inkastoo xaajo dhabaqday, haddana Wacays wuxuu ku calool adaygay inuu caashaqiisa ka midho dhaliyo, waxaanu bilaabay oo ka go’nayd inuu Warsan doono, isagoo abaabulay odayaashiisii, isla markaana sidii dhaqanku ahaa ay u dooneen gabadhii, hase yeeshee waxay Wacays iyo odayaashiisii halkaas kala kulmeen arrin fool-xun oo ah in loo diiday gabadhii Warsan in la siiyo Wacays.
Warsan way jeclayd wayna rabtay isaguna sidoo kale laakiin Reerahooda ayaa laf dhuun gashay ku noqday guurkoodii jacaylkoodiina saqiiriyay bartiina way ku kala dhaqaaqeen iyaga oo isku calool fayow waayo calafbaa ka adeegay oo waxay ogaadeen inaanay calaf isku lahayn.
Gabadhii Reerkoodii markiiba waxay siiyeen inan ay xigaal ahayeen si dagdag ahna waa loogu guuriyey Wacays laftigiisuna waxa uu helay oo calafku ku simay gabadh kale.
Maalin maalmaha ka mid ah oo ay carruurtoodii waawaynaadeen iyaguna da’a noqdeen ayay ku kulmeen meel dariiq ah wayna is waraysteen iskuna xaal warameen waxaana uu Wacays u sheegay inuu dhalay carruur badan oo uu ugu waynyahay Wiil imika 20 jir ahi iyaduna waxay sheegtay inay leedahay dhawr carruur ah oo ay ugu wayntahay iyana gabadh 20 jir ahi.
Way ogaayeen inuu calaf ka adeegay wayna aamineen qadarka deetana Warsan ayaa la soo booday hadal layaab leh oo tidhi “ Waar isa seegnay inaguye Ubadka aan isa siino” Wacaysna wuu ka aqbalay codsigeedii, in muddo ah ayaa lagu guda jiray qaban-qaabadii xafladii meherka waana laysku meheriyay deetana aroos qurux badan ayaa loo dhisay.
Labadii ubad ahaa ee laysku dhisay waxay noqdeen qaar jacayl rabaani ahi ugu darsamay calafkii ay isku heleen iyo kalgacaylkii waalidiintood u soo beeran oo ay u aayeen.
Mobile: 0634410163
Email: king_amse@hotmail.com
Hargaysa, Somaliland