Caqabadaha isdaba yaalka ah ee Xukuumadda Siilaanyo waajahayso oo u badan kuwo ka soo unkamay Nabsiyo hore oo ay gashay....idaacad Sharci daro ah...
Hargeysa(GNA)-Mar kale ayaa xalay Magaalada Hargeysa dadku ka dhegeysanayeen Idaacad dhowrkii bilood ee ugu dambeysay dawladdu raadinaysay oo FM ah, taasoo sida la tuhunsanyahay magaalada dhexdeeda baahinteeda iyo qalabka war-laliskuba u dhex yaalaan.
Idaacadan oo aanay ilaa iminka caddeyn cida iska leh, ayaa dhowr jeer dawladdu sheegtay inay qaban doonto, balse wali kumay guulaysan, iyadoo madaxtooyada iyo wasaarada warfaafintu ay ku jahawareereen qabashadeed, una isticmaaleen xeelado faro badan oo ka fashilmay.
Radiyahan FM-ta ah oo in muddo ah hawada ka maqnaa, kaddib markii bil ku dhawaad uu hawada soo gelayay xilliga 9:00 Caweysnimo ee saacada Geeska Afrika, ayay hadana xalay ay dadweynaha reer Hargeysa mar kale ka heleen isagoo ka baxaya mowjadii uu ka soo geli jiray oo ah 90.00HKW, mowjadaasoo ku dhow barta uu ka soo galo Radio-ga FM ee Dawladda oo laga dhegeysto Hargeysa iyo nawaaxigeeda.
Waxaanay arrintaasi waji-gabax kale ku noqonaysaa xukuumadda oo si weyn uga biyo-diidsanayd inay dhegaha shacbiga soo gaadho idaacad aan ahayn ta afkeeda ku hadasha aan dhex u ahayn dhinacyada siyaasadda ee dalka.
Qaar badan oo ka mid ah dadweynaha Reer Hargeysa, ayaa dhegeysanayay heeso Guubaabo ah iyo kuwo kale oo waddani ah oo caawa ka baxayay Idaacadan. “Caawa (xalay) idaacadii cusbayd ayaan dhegeysanay, waaba bahal khatar ah” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah dhegeystayaasha Radio-yaha cusub ee dawladdu ku dhako faartay.
Badhtamihii todobaadkii hore, ayaa Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Cabdilaahi Cukuse ku eedeeyay Shaqaalaha Wasaaraddiisa inay qaarkood ka shaqeeyaan Idaacada qarsoodiga ah ee la raadinayo.
Cabdilaahi Cukuse ayaa la sheegay inuu Salaasadii masuuliyiinta Wasaaradiisa ku war geliyay inay idaacada tuugada ahi khatar ku tahay qalabka Idaacada dawladda, isagoo muujiyay shakiga ah inay howl-wadeenada warfaafintu qayb ka yihiin Radio-yaha la raadinayo, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo Wasaarada aanu ka helnay.
Tuhunka wasaarada dhexdeeda geliyay Idaacada aan la aqoonsan, ayaa ah in Taawarada Qalabka Warbaahinta ee dawladda loo isticmaalo, maadaama oo sida Radio Hargeysa looga dhegeysan karo dhamaan badhtamaha Magaalada iyo dacaladdeeda oo dhan, si isku mid ah waliba oo ay faseex ku tahay, inkasta oo la moodo in mararka qaar tashuush yari gelayo.
“anigu Suuqa dhexdiisa ilaa Hudheelka Kaah ayaan ka dhegeysanayay Idaacadan”sidaasi waxa yidhi dhegeyste kale oo koox saaxiibadiisa uga sheekaynayay Ideecadan.
Furashada Idaacadaha ayaa Somaliland gabi ahaanba madnuuca, taasoo ay kala dhaxleen dhamaan maamuladii kala dambeeyay ee dalka soo maray, sababta loo madnuucay, ayaa markii hore ahayd cabsi dhanka amniga ah, maadaama Saxaafadda dalku ay madaxa la soo kacaysay aadna ay u yaraayeen Xirfadleyaasha ka howl-gala Warbaahinta madaxbanaan ee takhasuska u leh barmaamujyada xagga Idaacadaha.
Balse sidaasoo ay ahayd, hadana Xisbiga hada talada haya ee Kulmiye, ayaa markii uu mucaaridka ahaa samaystay Idaacad la odhan jiray Horyaal oo aad looga dhegeysan jiray wararka ku lidiga ah Xukuumaddii wakhtigaasi jirtay.
Radio Horyaal oo xarun ku lahayd Hargeysa ayaa maamulkii Rayaale tahli waayay inuu ka joojiyo shaqada, inkasta oo dhowr jeer la xidhay xubno ka mid ah Shaqaalihii ka howl-geli jiray oo uu ka mid ahaa Afhayeenka Madaxweyne Siilaanyo Axmed Saleeban Dhuxul iyo Madaxda Wargeyska Dawladda ee Dawan.
Xadhiga Wariyeyaashaas, ayaa markii dambe aad u soo shaac saaray Radio Horyaal, taasoo ay xukuuamddii Rayaale faraha ka qaaday markay muddo raadinaysay qalabkeeda, waxaanay aakhirkii Idaacadaasi noqotay meel si qaawan looga weeraro, isla markaana lagu buunbuuniyo dhaliilaha dawladda, si weyna u badhi taartay cadaadiskii mucaaridka ee haystay,
Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Siilaanyo ayaa afartii sanadood ee ay talada haysa marba marka ka dambeysa waajahaysa caqabado faro badan oo uu xisbigeedu taageeri jiray xiligii Mucaaridnimada, kuwaasoo iminka la fool-xumaaday, waxaana ka mid ah furashada Idaacad sharci daro ah oo ay Xukuumadii Rayaale ku sanduleeyeen inay dalka uga shaqayso iyo arrimo kale oo badan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com