La-taliyaha oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanay qiyamka siyaasadda waafaqsanayn, qaabka uu u socdo loolanka u dhexeeya labada garab ee Goluhu kala jabay, isagoo dhaliilo kala duwan u soo jeediyay saddexda xubnood ee shir-guddoonka ee kala hogaaminaya labada Geesood, iyo Ergada Golaha Guurtida ee masaaliixda ka dhex wada.
May ahayn Guddoomiye ku-xigeenka Wakiilladu intuu qayb golaha ka mid ah Fadhiisiiyo uu yidhaahdo waxaanu xilka ka qaadaynaa Cirro. Waayo? Baashe wuxuu Cabdiraxmaan qabto ayuunbuu gacan-yar u yahay ee awood uma laha taas, mana aha inay dhinac la fadhiistaan labada Guddoomiye ku-xigeen,waxaanan u arkaa khalad inay tahay”ayuu yidhi.
Halkan ka Daawo: