Saturday, November 1, 2014

Dawladda oo badbaadisay Raashin WFP bixisay oo laysku dayay in la leexsado

Yuusuf Cismaan Garas: Raashinkaas oo gaadhay sagaal ton dhamaan Gacanta ayaa lagu dhigay...”Maareeyaha SFCO

garasaHargeysa(GNA)-Maareeyaha Xafiiska xidhiidhka Mucaawimooyinka Hay’adda WFP ee Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, ayaa xaqiijiyay inay Hay’addaha Amaanka ee Gobolka Togdheer gacanta ku dhigeen Raashin ka mid ah mucaawimooyinka Hay’adda WFP oo laysku dayay in loo leexsado deegaanno aan ahayn meelihii oogu talo galay.

Raashinka oo ahaa nooca loo yaqaano Food For work, ee la siiyo Mashaariicda qodista Baliyadda, Baraagaha iyo Waddo banaynta, ayaa laba maalmood ka hor qayb ka mid ah laga duway Deegaamadii loogu talo in la geeyo, taasoo sida uu sheegeen Maamulka Gobolka Togdheer, markiiba talaabo laga qaaday.

lix ka mid ah Gaadiidkii siday Raashinkaas , ayaa lagu xidhay Magaalada Burco,kuwaasoo Raashinka u waday  Tuulooyinka ay ka mid yihiin  Dindiinta iyo Waabo Gaajo oo hoos yimaada Gobolka Togdheer, balse u duway qayb ka mid ah raashinkaas Tuulooyin kale oo aan ahayn kuwa loo siday.

Isku daygaas ayaa dadka deegaanka qaarkood ku eeddeynayaan Ururrada masuulka ka ah Mashaariicda ee ka soo qaatay Hay’adda WFP , hase ahaatee badhasaabka Gobolka Togdheer ayaa wariyeyaasha u sheegay inay ku daba joogaan cidda falkaasi ka dambeysa.”Raad baanu haynaa Baadhisina way socotaa,Raashinkana Magaalada ayaa lagu rogay” ayuu ydhi badhasaabka togdheer Maxamed Muuse Diiriye.

Geesta kale, Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhka WFP ee Xukuumadda Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo aanu kula xidhiidhay Khadka Telefoonka si aanu uga helno tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan isku daygan fashilmay ee Raashinka lagu leexsan rabay, maadaama uu xafiiskiisu maamulo Mashaariicda raashinka ah ee ay Hay’adda WFP bixiso, ayaa sheegay inay wali baadhisi ka socoto falkaasi, dhamaan raashinkii la xadayna gacanta lagu wada hayo.

“ dhamaan raashinkii la leexsaday gacanta ayaa lagu dhigay oo waa la qabtay, waxaanina wax meel kale ka yimi maahaa ee arrin uun ka timi cida raashinka siday iyo kuwa lagu waday, markaa baadhisbaa socota, waxaana ka wada shaqaynaya Maamulka Gobolka Togdheer iyo Isuduwaha Xafiiskayaga ee Gobollada bari, markay baadhistu dhamaato ayuunbaanan natiijada soo bandhigi doonaa”ayuu yidhi Maareeye Garas.

Yuusuf Cismaan Garas oo la waydiiyay xadiga Raashinka isku-dayga ka badbaaday ayaa sheegay “Raashinka laysku dayay in la leexsadaa wuxuu gaadhayaa ilaa 9 Ton, waana la wada hayaa dhamaantii, iyo dadkii siday oo dhan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Maareeyaha ayaa dhinaca kale, sheegay inay qabashada raashinkan ay ka wada shaqeeyeen Maamulka Gobolka, xafiiskooda iyo Hay’adda WFP oo uu sheegay inay door weyn ka qaadatay howsha, taasoo uu uga mahad naqay “Hay’adda WFP markii horena way nagala shaqaysay helida macluumaadka raashinkaas, markii dambena waxay naga aqbaleen inaan la qaybin Karin Raashin aanu xafiiskayagu ogayn oo aanay cidi ka joogin goobta lagu qaybinayo” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Dhacdadan lagu leexsan rabay raashinka mucaawimada ah, ayaa ku soo aadaya xilli uu soo wanaagsanaanayo xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adda WFP oo labadii sannadood ee ugu dambeeyay cakirnaa, kaddib markii ay hay’addu u hogaansami wayday nidaam xafiiska SFCO uu doonayey inuu kula shaqeeyo si taakulada ay bixiso loo gaadhsiiyo bulshada xilli ku haboon iyo meelaha baahidu ka jirto ee u baahan.

Taas ayaa bilowgii 2013-kii xafiiska xukuumadda u qaabilsan xidhiidhka Hay’addu heshiis uga dalbaday madaxda sare ee Hay’adda, balse ay si weyn uga biyo diideen codsiga heshiis arrintaa dawladdu kala yeelato, taasoo xumaysay wada shaqayntii ka dhexaysay.

Gobanimonews

Burco Office

Email: editor@gobanimonews.com