Saturday, November 8, 2014

Al-shabaab oo sheegtay inay 38 Askari ku dileen Jasiirada Kudhaa

Kudhaa(GNA)-Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dishay 38 askeri oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaliya, kaddib weerar ay dagaalyahanaddoodu saaka ku qaadeen fadhiisimo ciidanka DFS ku leeyihiin Jaziirada Kudhaa.

Waxay sidoo kale sheegtay kooxdu in ay la wareegtay magaalada, oo mid muhiim ah, taasoo horaantii bishii hore lagala wareegay maleeshiyaadka Al-shabaab oo ay madaxdoodu ku dhuumaalaysan jireen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka ku meel gaadhka ah ee Jubbaland iyo dawladda Federaalka toona, kaasoo ku saabsan dagaalkan sheegashadoodu ka dambeysa oo halkaa ka dhacay sabtida maanta.

Jasiirada Kudhaa ayaa koonfur ka xigta Magaalada Kismaayo, waxaanay Dhiiri gelinaysaa inay Kooxdu hesho gabood-xeebeed ay ku bedeshaan Deegaamada laga qabsaday ee Dekeddaha leh.

Ciidammada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliyaa ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay Al Shabaab kala wareegeen dhowr deegaan oo muhiim ah, sida Baraawe iyo meelo kale.