Monday, November 10, 2014

Akhriso Warqad Sir Ah Iyo Boobka Dalka Oo Maraya Halkii Ugu Xumaa,Madaxwayne Silanyo Oo Amraya Wasiir Samaale Iyo Uu Lacago Xadi Badan Siiyo Shirkadda Qaabka Beelaysan U Badali Doonta NASHA.

ADAGHargaysa(GNA).Iyada oo aynu la wada socono boobka,musuq maasuqa iyo eexda ka socota dalkii ayaa maalinba maalinta ka sii danbaysa waxa aad arkaysaa musuq

maasuqa iyo hiilka uu madaxweyne Siilaanyo uu ku kacaayo ee uu ku naas nuujinaayo xubno ka soo jeeda beeshiisa isla markaasina uu hantida umada u siinaayo si hagar laan ah, xaga uu dadkalena cadaadis uu ku hayo iyo in uu ka qaado waxa yar ee ay faraha ku hayaan.

Waxa aanu wax badan ku soo bandhignay qoraalo wata cadaymo, sidoo kale waxa aynu wadi doonaa oo soo bandhigi doonaa qoraalo kale oo sir ah oo dalka lagu boobaayo.

Saveway Travel waa shirkad aan dalka dibadiisa ka shaqaynin oo laga aas aasay magaalada Hargysa loona samystay in hantida umadda lagu lunsado, shirkaddani oo la damcsanyahay in ay badasho shirkada NASHA- ayaa waxa iska leh nin ay qoys ahaan isu dhawyihiin silanyo, halkan hoose ku cad lacag xad dhaafah oo madaxweyne Siilaanyo uu shirkadaasi u sii daynaayo, taasi oo uu wasiirka maaliyada Samaale uu amraayo in uu lacagta warqadani ku xusan uu siiyo shirkada Saveway Travel.

Lacagtani kuma jirto 20kii kun ee Doollar ee wargyska Haatuf lagu xidhay sheegisteeda oo ayisku xili ahaayeen markaa lacagtani la siinaayo Saveway Travel, 20kaasi kun oo uu qaatay wasiirka macdanta xiligii uu u baxaayay dalka Ingriiska magaalada Sheffield isga iyo wasiirka arimaha dibada, 20-kaasi kun oo sheegisteedu ay galaafteen wargayskii caanka ahaa ee Haatuf.

Warqadani akhriso.

Mustafe Axmed(Herer).
Gobanimonews.com
Hargaysa/Somaliland