Sunday, June 22, 2014

Wasiir Waran-cadde oo sheegay in Hal milyan oo Dollar lagu soo sameeyay Pasport cusub


waran vad




Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shaaca ka qaaday inuu dalka soo gaadhay qayb ka mid ah Pasport cusub oo ay Somaliland leedahay, kaasoo noociisu ka casrisanyahay kii hore.




Hadal uu ka jeediyey Maanta oo Axad ah Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu ka sheegay in Basboorkaasi ay ka baxday lacag uu ku sheegay Hal milyan oo Dollar.




“Waxaan soo samaynay bahal E Pasport la yidhaahdo oo ka heer sareeya ka soomaaliya, Pasport-kaas waxa lagu soo sameeyay hal Milyan oo dollar, dufcadiisii ugu horaysayna waxay dalka soo gaadhay shalay”ayuu yidhi.




Wasiir Waran-cadde oo hadalkiisa sii watay ayaa yidhi “Dalkan inaynu ka jarno Soomaaliya waxa inagaga baxay dhiig badan, waxa inagaga dhintay dhalinyaro badan iyo odayaal badan.




Dunidu waxay inagu khiyaamaynaysaa inaynu la wareegno Pasport aanay jirin dawlad xukuntaa, oo meelaha lagu bixiyo aanay maamulin dawladda Soomaaliya”.




Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo hadalkiisu u muuqday mid dar jiidh iyo Dood siyaasaddeed oo Khaaraji ahi ku lamaaneyd, ayaa u mahad naqay Madaxda Dawladd Djibouti oo uu sheegay inay u ballan qaadeen in mawaadiniinta Somaliland loo ogolaan doono inay dalkiisa ku soo geli karaan.




“Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Madaxweynaha Djibouti oo dhawaan mar aanu la kulanay naga ogolaaday inay nagula macaamilayaan Pasport-ka cusub ee Somaliland”ayuu yidhi.




Waxa kale oo uu tilmaamay inay Dawladda Sucuudiga kala xaajin doonaan sidii Pasport-ka cusub ay xujaajta Somaliland ugu tegi lahaayeen Xajka, waxaanu xusay inaanay jirin sabab loogu diido dadka reer Somaliland inay xajka ku tagaan Pasport-kaas.




“Sucuudigana waxaan doonaynaa inaanu u geyno intaan xajka la gaadhin, hadii ay inaga aqbali waayaana Ilaahaybaynu ku reebaynaa”ayuu yidhi.




Pasport hore oo Somaliland




Inkasta oo Pasport-ka Somaliland hore loogu tegi jiray dalal badan oo ay ka mid yihiin wadamada jaarka, hadana beryihii dambe waxa muuqata in hoos u dhac weyni ku yimi.




Dawladda Itoobiya, ayaa beryahan dambe ka cago jiidaysay in sidii hore loogu galo waddankeeda.




Djibouti ayaa tan iyo markii Pasport-ka Somaliland la sameeyay diidanayd inay aqoonsato.




Si kastaba ha ahaatee iib-geynta qastiga loo sameeyay Pasport-ka Somaliland ayaa waxa xil ka saaranyahay Wasaaradda arrimaha dibada.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com