Kulankii barbar dhaca 2-2 da ah ku dhamaaday ee ku dhex martay Garoonka Arena Amazonia ee Magaalada Manaus, qaramada Maraykanka iyo Portaqiiska ayaa noqotay ciyaartii ugu horeysay ee intii uu jiray tartanka koobka aduunku ee nasasho yar “Water Break ” ama Biririf Biyo Doonasho ah loo ogolaaday ciyaaryahanada .
Cimilada magaalada oo kulanka ka sokow ah mid aad huur u ah ayaa sababtay in garsoorihii ciyaartu daqiiqadii 39 aad ee ciyaarta, siidhiga ku dhufto, ciyaaryahanadana u ogolaado inay u dareeraan dhinaca ama cidhifka garoonka si ay biyo u cabaan , jidhkana u rusheeyaan mudo dhowr daqiiqo ah.
Sida ay qortay wakaalada wararka ee Associated Press, Maxkamad ku taala wadanka Brazil ayaa ku amartay xidhiidhka kubada cagta aduunka ee FIFA, in ciyaaryahanada ay siiyaan wakhti kooban oo nasasho ah , 30 kii daqiiqaba hal mar, haddii heer kulka garoonku gaadho 32 heerka cabirka cimilada ah (32 degrees Celsius (89.6 degrees Fahrenheit).
In kasta oo wakhtiga ay FIFA ugu tallo gashay nasashadani ahaa 3 daqiiqo , hadana Ciyaaryahanada labada xul ayaa 2 daqiiqo ku qaatay biyo cabid, hareeraha garoonka , kadibna ciyaarta dib ugu soo noqday.
Waa Markii ugu horeysay Taariikhda kubada cagta aduunka, oo loo Baxo nasasho ka baxsan tan qaybisa labada qaybood ee ciyaarta oo ah 15 daqiiqo.