Tababaraha Faransiiska ah ee kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayuu ka soo yeedhay hadal lala yaabay, kadib markii uu ciyaartoyga Olivier Giroud uu ugu baaqay in uu joojiyo daacadnimada badan, isla markaana uu is ilaaliyo.
Giroud ayaa u sheegay wargeyska L’Equipe in tababare Wenger uu doonayo in uu iska ilaaliyo difaacyahannada ka hor imanaya, isagoo yaraynaya orodkiisa si aanu khatar u gelin.
“tababaruhu mar walba waa uu isaxaa marka ay ciyaartu dhamaado. Waxa aanu isla eegnaa sidaan wax u sameeyey, dabeeto fursaddayda ayaan qaataa” sidaa waxa yidhi Giroud oo faahfaahinayay waxyaabaha uu Wenger u sheego.
“Waxa uu ii sheegaa in aan wali horumar sameeyo khaasatan sida aan kubadda u laago mararka qaadkood, sidoo kale marka aan dhaqaaqayo, sida aan kubadda uga qaadanayo difaaca, sida aan u ordayo. Indhihiisa markaan eego, khibraddaydu iguma filna. Maalin maalmaha ka mid ah waxa uu ii sheegay in orodkayga ay ka muuqato in aan aad daacad u ahay, layaabna ma ahoo marar kale ayaa soo socoda (uu ii sheego)”