Heshiisyadii Dawladdii Siyaad barre la gashay Shirkaddaha Shell iyo Exxon Mobil oo xukuumadda Saxiixday dib u cusboonaysiintooda iyo Saameynta ay ku yeelanayaan Gobolka…Warbixin xaasaasi ah
Muqdisho(GNA)-Laba Maamul Goboleed, ayaa ka soo horjeestay dib u cusboonaysiinta Heshiisyo dawladda dhexe ee Somaaliya kula jirtay Shirkaddo shidaal oo doon ah oo nidaamkii siyaad Barre kula jiray Heshiisyo qabyo ah.
Heshiisyo xiisad abuuraya
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Heshiisyo kala duwan oo ku saabsan la wareegidda Maamulka Hawada sare iyo Sii-wadista heshiis dawladdii burburtay ee Soomaaliya ay kula jireen Shirkadaha Sahaminta iyo Shidaal soo saarista ee Shell iyo Exxon Mobil ‘Eager oo hadda isku ah hal Shirkad la gashay laba maalin ka hor.
Sida lagu sheegay warbixino warbaahinta lagu baahiyay oo kala duwan dawladda dhexe ee Soomaaliya waxay saxeexyo heshiis la gashay Hay’adda hay’adda 20-kii sano ee u dambeeyey maamulaysay hawada somalia ee ICAO.
Sidoo kale waxa dawladdu heshiis dib u cusboonaysiin la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo ka baadhi doona Shidaal gobollada Somalia oo ay ka mid yihiin Deegaamo Somaliland ku yaallaa.
“Safarkaannu u nimi dhinacan Canada wuxu ahaa runtii hawl, waxaannu u nimi arrinta Maamulka Hawada Soomaaliya oo ay ka jirto muddo aad u badan oo labaatankii sano ee u dambeeyey ah inay ka maqan tahay ummadda Soomaaliyeed, taasoo ku timi dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya markii uu sii xoogaystay 1994-kii, ay Qaramada Midoobay la wareegeen oo ay ku wareejiyeen dhinacaas iyo Kenya, illaa haddana ay gacanteenna ka maqnayd.” Sidaasi waxa yiri Wasiirka Gaadiidka, Duulista iyo Hawada Sare ee Soomaaliya Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka hadlay safar uu ku joogay Canada.
Isagoo hadalkiisa sii waxa uu yiri “Markaa, wixii ku saabsan Duulista hawada waxa laga maamulaa waa magaalada Montréal ee dalka Canada, markaa waxay noqotay hawshaasi markay socon wayday ee dhinacna u dhaqaaqi weyday ee ballan-ka ballan uun ay noqotay inaannu go’aansannay Masuuliyiinta ugu sarraysa ee qaabbilsan hawlahan inaannu iska aragno oo is horfadhiisanno oo go’aanka ugu dambeeya aannu kala qaadanno.”
Wasiir Qoorsheel waxa uu sheegay inay la kulmeen Xoghayaha Guud iyo Madaxweynaha ICAO oo fadhigoodu yahay magaalada Montreal ee dalka Canada, kuwaasoo amar ku bixiyey in Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka hawada dalkeeda, waxaanu yidhi; “Masuuliyiintii ugu sarraysay ICAO oo ah Xoghayaha guud iyo Madaxweynehooda waan is-aragnay, laba maalmood buu shirkayagu socday, waxaa Illaahay mahaddiis ah in aan meel isla dhignay oo codsigayagii aannu gudbinnay in ummadda Soomaaliyeed ay Hawadoodi ka maqan tahay, meel ay ku maqan tahayna aannaan garanayn, Nairobi waxay u taallo ee looga maamulana annagu aannaan garanayn, markaa aannu u baahannahay in waxayagii naloo soo celiyo, aakhirkii go’aan baa halkaa lagu gaadhay in ummadda Soomaaliyeed loo celiyo hawadeedii maamulkeeda intaan sannadkani dhammaannin.”
Dhinaca kale Magaalada Hague ee dalka Netherland, ayaa waxa heshiis ku kala saxiixday Khamiistii Shirkadda Shidaalka ee caalamiga ah ee Shell iyo dawladda Soomaaliya, kuwaasoo wada-jir u sheegay inay soo nooleeyeen heshiisyadii ay Shirkaddaasi kula jirtay Soomaaliya burburkii ka hor.
Wasiirka Baadroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar, ayaa sheegay inay ku dhiirrigelinayaan Shirkadda Shell shaqada ay hayso iyo hawlaha Shidaal qodista ee ay ka bilaabi doonto Xeebaha waddanka Soomaaliya. “Waxaan rejaynaynaa xilli dhaw inaan bilawno arimaha la xidhiidha Shidaal soo saarista ee dalka Soomaaliya iyo sidii aannu tallaabadii u horreysay qaadi lahayn, waxaan rejaynayaa inay Shirkadda Shel booqasho ku timaaddo dhawaan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Baadroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar.
Ku-xigeenka Madaxa Shirkadda SHELL ee Afrika u qaabilsan soo-saarista Shidaalka, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay oo uu soo dhawaynayo heshiiska dhex-maray Soomaaliya iyo SHELL, isla markaana ay ku aqoonsatay goobihii hore ee Xukuumadihii hore ee Soomaaliya ay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ‘Eager ku lahaayeen Soomaaliya wixii ka horreeyey burburkii dawladdii Soomaaliyeed 1990-kii.
Shirkaddahan ayaa liishaanka ku haya shan goobood oo qaarkood la sahamiyay, sida deegaanka HOL-HOL oo ka tirsan Gobolka Sool iyo deegaamo ku yaala badhtamaha Soomaaliya.
Maamullo ka soo horjeestay
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Somaliland oo dib u cusboonaysiinta Heshiiskani saameyn ku yeelanayo, isla markaana sanadihii ugu dambeeyay ku goodiyeysay inay gacanta ku dhigto deegaamadaas hada heshiiska lagu xusay, hase ahaatee labada Maamul Gobolleed ee Puntland iyo galmudug ayaa talaabadan diidmo cad ka muujiyay.
Gal-mudug
Warsaxaafaddeed ka soo baxay xafiiska Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka maamulka Gal-mudug oo Nuqul ka mid ah soo gaaray Gobanimonews ayaa lagu sheegay inaanay dawlad goboleedka Galmudug aqoonsanayn Heshiis sahamin shidaal ah oo dhex mara dawladda Federaalka iyo Shirkad shidaal doonaysa,ilaa la dhamaystiro shuruucda wax wada lahaanshiyaha iyo Maamulka Khayraadka.
Warkan oo uu soo saara Wasiirka Batroolka ee galmudug Xareed Cali Xareed, ayaa lagu yiri sidan
“Waxaa na soo gaaray in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay heshiis kula gashay Magaalada Hague ee dalka Holand Shirkaddo ay ka mid yihiin Shell Petrolium si ay shidaal oga baarto dhulka ay ka taliso Dowladda Galmudug, taasoo si xoogleh Dowladda Galmudug oga soo hor jeedo, maxaa yeelay Dowladda Fadaraalku dalka Soomaaliya kama wada taliso, islamarkaasna ma lahan shuruuc la isku raacsan yahay oo ku saabsan hannaanka dowladnimo, qaybsiga khayraadka .
Sidaas awgeed, Dowladda Fadaraalku awood uma leh xiligan in ay ku marti qaaddo shirkado shisheeye oo shidaal ka baara dalka Soomaaliya oo dhan waayo hadda waxaa dalka Soomaaliya ka jira dhowr dowladood oo iyagu iskood isku maamula, Galmudugna kuwaas, ama dowladahaas iskood isku maamula bey kamid tahay”.
Warsaxaafaddeedka ayaa isagoo sii socda lagu yiri “Galmudug waxay leedahay nidaam iyo shuruuc sharciyeed ay samaysatay, wixii khayraad ku jira dhulka Galmudug waxaa iska leh shacabka Galmudug, inta laga gaarayo Soomaaliya oo samaysata hannaan dowladnimo oo la isku raacsan yahay iyo hannaankii loo wadaagi lahaa khayraadka dalka Somalia oo dhan.
Dowlad Goboleedka Galmudug waxay oga digeysaa shirkadaha shisheeye oo baara khayraadka, sida saliidda iyo gaaska,macdanta iwm, in ay si sharci daro ku yimaadaan cariga Dowladda Galmudu, iyagoo hadafkoodu yahay baaritaan khayraad iyagoon fasax iyo ogolaansho ka haysan Dowladda Galmudug”.
Puntland
Masuul u hadlay Dawladda Puntland ayaa shalay si cad u tilmaamay inay dawladda federaalku hab sharciyada baal-marsan u gashay heshiiska.
Agaasimaha Hay’adda Macdanta iyo Kheyraadka ee Maamul-goboleedka Puntland Ciise Maxamuud oo shalay la hadlayey laanta Afka Soomaaliga ee BBC, ayaa sheegay in maamulkoodu awood u leeyahay soo-saarista kheyraadkooda oo aanay u baahnayn inay cid kale ku faro-geliso.
“Iyagu [Saraakiisha xukuumada Soomaaliya] waxay u galeen heshiiska doonistooda, ma keeni karaan shirkaddaas Puntland, nagumana khasbi karaan. Maamulka waxa leh madaxda Puntland ee malaha Muqdisho,” ayuu yidhi masuulkaasi.
Si kastaba ha ahaatee Dhiirri-gelinta shirkadaha danaynaya kheyraadka Soomaaliya, ayaa bilaabantay ka dib markii Magaalooyin dhowr ah oo maleeshiyaadkii Shabaab gacanta ku hayeen lagala wareegay,sida waxa sheegay wargeyska ka soo baxay Magaalada hargeysa.
Hase ahaatee hadal haynta Mashruuca Sahaminta Shidaalku wuxuu gobolka ka bilaamay markii ay Somaliland iyo Puntland heshiisyo shidaal baaris ah la galeen shirkaddo ajaanib ah, xili aan shuruuc cago adag ku taagnayn labada dhinacba ay ku dhisanyihiin, jirirana aqoonsi caalami ah oo ay damaanad ugu heli karaan heshiisyada ay gelayaan.
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan faroole ayaa qaab gurac badani ka muuqdo heshiis macdan iyo shidaal baaris ah ugula galay dhawr shirkaddood oo qaarkood dooxada Nugaal hawl-galo ka sameeyeen.
Gobanimonews
Gaalkacayo Office
Email: editor@gobanimonews.com