Raganimadu waa mid ilahay bixiyo waa deeq rabaani ah waa astaan bushaaro mudan oo ka turjumaysa hogaamiyaha umad hagi kara iyada oo ay sidaa tahay ayaa waxaa raganimada laga raadiyaa meelo fara badan oo ay ka mid yihiin maalka ama taajirnimada, madaxnimada ama kursiga, quwad jidheed ee uu qofku leeyahay ama ka muuqata taasi oo dadku kaga waabtaan iyo meelo fara badaan oo aan la soo koobi karahayn laakiin hadaad rabto inaad ogaato raganimada dhabta ahi xagay ku jirtaa waa IIMAANAKA waxaanad aqoonsataa kuna xisaabtantaa in iimaanku yahay raganimada ugu wayn aduunka waayo qofka iimaanka lihi waaa qof gartay ujeedada uu ilahay ugu abuuray xagan ama aduunka guudkiisa.
IImaanka dhabta ahi waxaa uu kaalin mug iyo miisaan leh ka qaataa hanaanka nololeed ama hab dhaqanka qofka waxaa uu caawiyaa go,aan qaadashada qofka waxaa uu ka dhigaa qof qawi ah oo la isku halayn karo waa qof nool oo la isku halayn karo waayo waa qof ilahay ku xidhan isla markaana hogaansan kala yaqaan labaa halbeeg ee XARAAN iyo XALAAL.
hadaba hadaan intaasi kaga nimaano qeexida raganimada ayaa dhaqan ahaan waxaa jiri jiray in marka dhalinyarada isku faca ah raganimadooda lakala saari kari waayo ayaa waxaa la odhan jiray hebal iyo hebal waa lakal saari kari waayey raganimadooda abeeto odayaasha waayo araga ah ayaa odhan jiray iska daaya waxaan eegi doonaa markay guursadaane taasi oo macneheedu tahay markay wax maamulaan ee masuuliyiin dhab ah noqdaan ayaa laka baxaa oo midna iimaan qawi ah ayuu yeeshaa oo reerka ayuu isku tuba ritaa isagoo ialahay ku xidhan isla markaana talo saaranaayo una cadaalad falaaya daganaan iyo raganimana waa ka sii qaadaa aakhirkana waxaabu noqdaa beel daajiye ama ugaas aan shirka isaoo maqan la qaban haduu maqaan yahayna loo baajiyo gartana eexda ka dhawra umaduna usiman tahay qabyaaladna ka madax banaan deeqsinimana ilahay ku galaday oo gurigiisa martidu kusoo holato waxaa uu waa bariistaa isagoo kumanaan dad ah u ah halbeeg lagu daydo taasi waa raganimada dhabta ah.
ninkan labaad isagu waxaa uu ku sifoobaa sidaa aan kaa hore ku sheegnay si ku lid ah waxaa uu ka noqdaa gadaashiisa waxaa uu waabariistaa isagoo islaamuhu dhahayaan alla hooyo sida ina hebal ha iga noqon waxaa uu kamid noqdaa kuwa aan baraarka lagu aaminin isla markaana laba caruur ah kala saar lagu dhihin dul iyo deeq midna malaha xaalkiisuna waxaa uu ka soo horjeedaa dhamaan astaamaha raganimada dhabta ah lagu garto ama lagu yaqaano.
hadaba markaad sheekadan gaaban yara dhuuxdo waxaad garan karaysaa in meesha labada nin raganimadooda lagu kala saaro isla markaana lagu gartaa ay tahay markay xilka qabtaan ee ay masuuliyiin noqdaan oo ay ugu wayn tahay markay reer yeeshaan ee ay ka baxaan marxaladii shabaabnimada isla markaana halbeega lagu cabiraa uu noqonaayo iimaan iyo alle ka cabsi dhab ah oo aan khayaali ahayn.
waayo markay dhalin yarada yihiin lama kala garan karo kooda raganimada badan ama kooda dirica ah iyo kooda la,aadka ah een lahayn waayo waxay ku jiraan marxalad boqortooyo ah oo ah tan dhalin yara nimada hadaba walaal waa inaad ila garataaa ujeedadayda oo ah hadaad shabaab atahay oon aanad wali reer samaysan wali raganimadaada lama garan karo.
waxaan maqalka ku soo xidhayaa xigmada ah ama tuduca ah LABA DIBI DINAHYAYNTA KA SIMAN JEEROOY DIRIRAAN.
W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)
bestlawyer1982@hotmail.com