Qoraa : Xasan maxamed cismaan (Journalist)
waa sheeko jacayl oo xiiso badan 2011, 1 b,sh 1aad waa sheeko ka turjumaysa jacayl dhaba yididilo dareen baaxad wayn laba qalbi oo isku ooman hadana aan isku qirsanayn laba beer oo isku nugul hadana kala cabsanaya, iyo waliba laba ku heshiiyay beeritaan ubaxa jacayl iyo kool koolintiisa wacad iyo kalsoonina isku siiyay ka midho dhalinta iyo qolof dhacsigiisa ubaxa jacayl eey beereen, nacab iyo xigaale kastoo caqabad ku noqon jacaylkoogana wada jir ugu hortagii lahayeen, sikastaba ha noqotee, 2011, 1 b,sh 1aad waa habeen uu qof ku qortay laabtiisa bogiisa iyo dhamaan jidhkiisa waa habeen qofkaasi u aqoon saday habeenkii jacaylka, iyo habeen ay kulmaan labada ifka la isugu uumay inay nolasha wadaagan, habeenkaa xusuusta leh iyo waayuhu xanbaarsan yahay aan ila wadaaga, deeqsi waxaa uu ka soo baxay xaafadooda waxa uuna usoo dhaqaaqay xagaa suuqa deeqsi markuu waxoogaa yar soo socdo ayaa waxa maskaxdiisa ku soo dhacday qof uu ogsoonyahay inay jacayl dhaba u hayso balse aanu qirsanayn oo isaga ugu seef garaysan walaaltinimo, qoftaasi magaceegu waa deeqsan, deeqsh iyo deeqsan waxa aay is arag mudo dhan 2 sano oo aanan ka ahayn maalintii isugu danbaysay oo ay meel wado ah ku kulmeen siday tahee lawada og yahay ragi dumarku isku mid mahaa ninka raga ahi haweenayda wuu u bandhigi kara jacaylkiisa laakiinse gabadhu uma sheegan karto wiilka jacaylka sikasta oo uu biyo dhigto sababtoo ah dareenkeedu dumar nimo awgeed sikasta oo ay ula daa laa dhacdo samir bay ka doorbidaysaa, maalin kaa deeqsan waxay deeqsi u adeegsatay erayo duur xul ah oo ay ku lux luxaysay qalbigiisa si ay in uun uga hesho carab laa.laadis laakiinse kuma ay guulaysan, sikastaba ha ahaatee, deeqsi la tashigii maskaxdiisa ka dib intu dhexda ku jiray wuxu go.aansaday inuu halka ugu wardhaw doono wuxu u dhaqaaqay xagaa gurigii wiil saaxiibkii ah oo mar ka maqli jiray waan arkay oo way ikaa waydiisay waanay ku soo salaamaysay, deeqsi waxa uu tagay gurigii salaan ka dib waxa uu la kulmay saaxiibkii.
2011, 1 b,sh 1aad qormo jacayl xiiso badan saaxiib maxamed ii waran saaxib deeqsi waan fiicanahay ee baryahan xageed ka dhacday maxamed waan joogay uun saaxiib ee iska mashquul uun baan ahaa deeqsiyow saaxiib waxan is idhi saaxiibkaa oo kuu iman waayay wuxuu helay wax ka wayn ee ma qoftii ikaa waydiin jirtay ayaad ku xidhay ala saaxiib ma niyadaydaad ogayd iyadaan ban imika ku waydiinayay ee saaxiib qoftii maad aragtay warse ma ka maqashay waa iigu danbaysay magaranayee, saaxiib deeqsiyoow qoftaasi arageega kuma soo dhawaan xaata qofna kama maqal waxaana igu danaysay maalinkaan salaanta kaaga keenay ee saaxiib qoftaasi qof qaaliya ayay ahayde maad wax la qabatid, saaxiib horaa loo yidhi nacasku ma.garto fursada qaaliga ah ee gacantiisa ku jirta ee imikaan dareemay imakana arageegi baa qaali igu noqday ee saaxiib hadaan la kulmo is badal iyo waji cusub inaan ku qaabilo ayaan rajaynayaa, iyo guul baan kuu rajaynayaa, sidaas ayuu deeqsi saaxiibkii kaga soo baxay waxa uu qaaday wadadii tooska ahayd ee suuqa imanaysay waxa uu soo socdaba waxa uu soo gaadha bartii suuqa laga soo galayay markuu sidaa suuqi u galay ayaa meel yar oo wado cidhiidi bacadle dhexdeed kaga soo hor.baxay oday iyo inan kala danbeeya oo yar murmaya' adeero dee sowdiga wadadiiba qabsaday maaha, ee wadadu waata balaadhan ee mar deeqsi markuu kusoo dhawaaday inantii ayaa uu isyidhi ma deeqsanba maye malaha waa indhahaaga, iyo waa baa iyadii, erayadii u horeeyee la iswaydiiyo waxay ay ahaayeen sidan, deeqsi walaal m c n ii waran imikaan niyada kugu hayee, deeqsan walaal macaan anba sidoo kale ikaan niyada kugu hayay, deeqsi walaal macaayeey xageed ka dhacday mudo badan kuma arag mudo badan naftaydaa ku tabaysay mudo qalbigaan kugu hayay mudo badan maskaxdaa iskaa waydiinaysay imakadaa aan kula joogo dheh o waxaan soo maray saaxiibkay maxamed xaaji su.aashi ugu horaysay ee waydii waxay ahayd deeqsan ma aragtay warse ma ka maqashay jawaabtaan ka helayna waxay ahayd maya, walaal m c n deeqsan walaaltinimadeenu ma sidan ayay ahayd, deeqsan
2011, 1 b,sh 1aad sheeko jacayl oo xiiso badan deeqsan walaal macaan deeqsi anba sidoo kale ayaan ku tabayay niyada iyo qalbigana kugu hayay, deeqsi walaal macaan lanbar ma leedahay,deeqsan mayee walaal m c n maalin dhawayd ayuu mobilku iga lumay deeqsi miyuu jiraa layn xaafada, deeqsan haa walaal wuu jiraa laakinse dadka la isuguma dhiibo,deeqsi walaal m c n ma ku sii ka xeeyaa, maye walaal waad mahadsan tahay masaajidkaan salaada cisha i ku sii tukanayaa oo habar yaraan isa sii raacaynaa, deeqsi walaal goormaan kulana, deeqsan isha alaah waynu kulmi doona, sidaas iyo farxad iyo dhoola cadayn ayaa laysku sagootiyay, deeqsi habeenka wuxu tufay xunbo kulul oo inbadan laabtisa dhex jiiftay wuxu qiray inuu jacayku wax jira yahay xaqiiq cadna layska indho tiri karin, sidoo kale deeqsan iyana dhankeeda waa u u qaadan waa iyo ula ekaashiyo riyo riyo oo kale xaalkeedu wuxu marayaa, adiguba dharaarad ka qoslaysay dhooshee anba dhamay qadhaaqkee waa inaad dhan dhamisa, sikastoy ahaata, deeqsi waxa uu hawshii kaga xidhnayd ka soo dhamaystay suuqi waxa uu dib ugu soo noqday xaafadoodi deg deg ayaa u casheeyay waxa toos u abaaray qolkiisii riyada iyo furaash kiyo barkintiisa ay ku saaxiibka noqdeen khiyaaliga iyo riyada beenta ah deeqsi habeen kaa hurdo ma uu seexan waxa ku dhex maaxanaysa qalbigiisa badwayn jacayl oo aad u qurux badan oo sawiranayo iyadoo deeqsan dhex fadhida wax maskax diisu sawiranaysaa muuqaalkii quruxda badnaa ee deeqsan hadaladeedi iyo hadalba kuu ka macaana, isago kolba dhan isku rogaya uu ku baraarugayaa ee daan salaada subax qadar yar marka uu indhaha isku qabto ayuu waagu baryayaa, saas oytahay deeqsi abaaro 12 duhurnimo waxa uu u la kulmayaa farxaan oo ah saaxiibadiisa ay sir wadaaga iyo sheeka wadaaga yihiin, waxana dhex maraysa sheekada saaxiib farxaan aad baan u farax sanahay isbadan wayn ayaan dareemayaa, farxaan waxani farxad ka wayn ee maxaad aragtay, deeqsi saaxiib waxaan la kulmay furihii qalbigayga iyo farxadii nolashayda cid kale maahee waa deeqsan, farxaan waxani jacayl Top of Form
bottom of Form
2011. 1 b.sh 1aad! Farxaan. Saaxiib deeqsiyow waxaasi waa ruwaayadadii. Waxana kaa rumaysan qof aan aniga ahayn waayo inagu waynu is xaal ognahay oo laba qof oo marwalba iyo meel walba wada jooga ayaynu wada nahay arimahagaana si walba u socda. arinka deeqsana wuxu ahaa mid aan si walba kaagala hadlay horayna waxa loo yidhi nabsi waa ma baaqdee adoo bahan bari la arki markaa nabsigiiba ku naanabinayaa. deeqsi saaxiib wax walbood sheegtay waa wax jira waanan ka war qaba hadii shalay deeqsan talaba walba u qaaday inay qalbigay hantido maanta anaa albaab walba u garaacaya. inaan dareen dhaba oo dhaxal gala ka samaysto laabteeda iyo niyadeed deeqsan waa qof daacad ah daacadina ma huungowdo... Ee saaxiib shaqada dhamee oo ila soo hadal ama xaafada iigu kaalay deeqsi sidaas ayuu farxaan kaga imanayaa waxa uu toos ugu soo noqonayaa xafadoodi. Si kasta ooy ahaataba. Waxa xusid mudan in deeqsi hoyadii ay ayaamahaa yara xanuun sanaysay uuna deeqsi u ahaa gacanyare iyo wiil iyo gabadhba, deeqsi qoyskoogu waa isagiyo hoyadi iyo aabihii iyo laba wiil oo ka waawayn isna waa gura danbays. deeqsi waxa uu sii maray gurigii walaalkii oo uu hoyadii. qadadii ugu sii qaaday marku guri.googi gaadhay hoyadii alaabti guriga oo iswada dhex daadsan ka hagaajiyay oo hadala yar oo kaftan ah ku tuuray hoyadii. Hooyo ayaan dhaw waxan ku keeni qof yar oo bilis iyo gacan.yareba ku noqota. Oo ku nasatiid j: hooyadii. oo lagama dhawabi goormaad qooq iyo shukaansi haween gaadhay halkeed ku ilawday walaalka c/laahi ka kale haduu dulmar maray adigoo yarna maad dul mar maraysaa ilayn rag iskuma naxo. oo taad keento bilow noqotaa tu aan anigu uun ugu daran nahay oon i arki karin oo ku tidhaahda araga hoyada iga qari. deeqsi maya hooyo m c n gabadha aan keen hadii ay noqon waydo mid had iyo jeer hoyaday ixtiram iyo qadarin u haysa oo sidii waalid nimo ula dhaqmaysa madaxiyo mijahana u maydha aniga naag iima noqonayso wax walbana waxan ku salaynayaa ixtiraankiyo rabitaan waalidkay... Iyadooy siidaas tahay ayuu far
2011. 1 b.sh 1aad! Iydoo sidaas ah ayaa uu u soo galayaa farxaan oo gorahanba uu deeqsi iswaydinayay farxaan markaa uunbu ka soo rawaxay meherad mac.macaanle ah oo uu ka shaqeeyo waxa la yaab leh oo aad ka yaabaysa dhalinyarta ciyaal hudhee.laha ama hudheelada ka shaqeeya dhaqan.kooda ood mar marka qaar is.odhanayso khiyaali ama riyo ayay ku nool yihiin lixda aroor nimo ayay shaqada galayaao bacdal duhur ka bacdi ayaa fasax yar oo laba ama sadex saac la siinayaa" waa wakhtigay nafta maalin oo dhan dab ku dhex jirta ku nasin lahaayeen lakiin dab kale ayay ugu sii darayaan waxay odhanayaan waan soo yara ku layninayna waxay qadanayaan aqaaro ama mijimo jaad ah oon naftooda waxyeelo meeye waxtar aan u lahayn" deeqsina ku waas uun.buu ka mid yahay la shaqo yahay oo uu wax la qaybsadaa, sikastaba ha noqote. deeqsi farxaan waji furan soo dhawayn ayuu ku qaabilay waa uu sii go.g.lay shaah bigaysana sii ka riyay waxa la furayaa bog mirqaan iyo wada sheekaysi iyo faaqidaada iyo kala gurka arimaha.. Hooga khaaska ah waa laba saaxiib oo midba fikir iyo dareen gooni ah wada waa laba midwalba jecel yahay in wuxu jecelyahay looga sheekeeyo oo ahmiyad gaara la siiyo. waa laba inay talo isa siiyaan jecel" in talo la siiyana u baahan waa ani i dhagayso iyo ani idhagayso... Yahay bacdi jaadka ahayd la furay ninba waayihii iyo warkii" deeqsi waxa ku dhex maxanaysa oo baxadagaysa' bohol.yawga dareen ashaq ee halka danbe kaga yimid" waa farxaane isna laguma yara oo waxa dhiiga ka jaqaysa oo riyo ku nool yahay gabadh lagu magacaabo nimco awbare.. Waxa halkan la shitay ku baxaysa: hees jacayl oo waaya.hooga wax ka taabanaysa... Waa heesta uu qaado fanaankii waynaa cumar dhuule...ee midha.heegu ahaa: inan yahay jamaadkiyo jaaha lagu manaystiyo joogaba u dhalataay" jeeni gaagu galabtu jeenyaha i saaro igu yidhi ma jaala jeegan jirayste. Ma isyara jeclaana... Soow jamashadii hore joog aniga oon celin jidhi dhico imay galin" qurux baad u jeeda waxba hays jajabin. Jagac baad bariba odhan markaad waayo
2011. 1 b.sh 1aad! Qurux.baad u jeedaa. Waxba hays.jajabine.. Jagac.baad bariba odhan kolkaad waayo joogtee. Jacaylka ma isla qabanaa... Ma jabuuti baan abid intaad joogto inan yahay jid u soo maraa dheer. Waa wax aan jirayn.. Soow jamashadii hore joog aniga oon celin jidhi dhico imay galin... Qurux baad u jeeda waxba hays jajabin jagac baad bariba odhan markaad waayo joogtee. Jacaylka ma isla qabanaa: dhuuxi taanka heestaa aadka u macaan iyo u dhago nuglaanteeda ka dib sheekadii baa la bilaabay. Waa farxaane, iyo sidan saaxiib deeqsi qofti iyada ahayd ee nimco warkeeda waayadan u bogin.. deeqsi oo saaxiib maxaa soo kordhay.. Farxaan saaxiib rajadaydii ahayd inaan kalsooni dhaxal gala abuuro oo nimco qalbigeeda kasbado inay geed ku laalantay baan u maleeyaa sababto ah waxan maqlayay xan suuqa ayaamahan ku jirta oo aniga iyo iyada ah arimo labo lamaane u khaasana inay suuqa u soo baxaan ma qurux badna... Waxan la kulmay maxamed kii yaraa ee guriga ka soo horjeeda xaafadooda galayay ka yarna waa taqaanaa oo waa ku yar oo iska war badan ooy shaqadiisu tahay u kala adeegida laba qof oo xidhiidh jacayl ka dhexeeyo. wuxu iigu yimid meherada anoo shaqaynayaa wuxu igu yidhi nimco ayaan saaka wada joognay waxan ka wada hadalnay arimo xidhiidhkiinu ka mid yahay. waxay igu tidhi farxaan wuu i jecel yahay laakiinse anigu wax niyad ah uma hayo. dan gaara ayaan ka leeyahay isaguna wuu ii dareen nugul yahay oo wax walba oo u baahdo wuu i.siiyaa... Mararka qaar hadyaduu ii keena imika saacadan iyo siliskiyo fargalkan dahabka ah isagaa ii keenay habeenada qaar aniyo hablo kale ayaa is raacna markaan mac macaanla ugu tagno casho noocwalba leh ayaan ka soo duubanaa" ah miskiinka yar jacaylku ii hayo ayaa ka awood batay ana dantayda gaarka ah ayaan leeyahay.... arinkayguna waa halkii aad barigii ogayd ee itobia waxbashada ugu maqnaa,' ee wll maxamed sida daacad nimada wll. timada een wax kuugu sheegay balan iga qaad oo isaga iyo cid kale too ha u sheegin waydinka wada fadh fadhiistee.. Saaxiib deeqsiyoow sidaas buu maxamed wax u
2011. 1 b.sh 1aad! Saaxiib deeqsiyoow sidaasu maxamed igu yidhi markuu maanta ii yimid...' deeqsi saaxiib waa yaabka yaabkii... Inkastoo maxamed kaa yar iska war badan yahay.. hadana hadii ay nimco.ba siidas samaysay laakiinse saaxiib sideen ku rumaysan karnaa. Farxaan saaxiib waxan ku rumaysan karnaa. Hadyadaha aan u geeyay anigu maxamed uma sheegin, sikale inuu ku ogaan ka rayana ilama aha ee warkaasi iyada kama foga. Ee maxaa arin ah oynu yeelaa.. deeqsi. farxaan ma qoftii aynu ogayn siday inoo soo dhawayn jirtay markaynu maal maha arbacada xaafadooda fadhiisano sida lay.noogu rax layn jiray iyada ilaa waalid keed kolay sir naagood lagama sal gaadho... Ee kana waji u qarsoon uun buu ahaa... Iyo dabac sanaan iyo beer jecel ay dhankaaga ka aragtay.. ayaamahaynu fadhiisan jirnay gurigooda waxan fiidka bacdal makhribkaba kaaga soo kici jiray fursad haysku helaan ay ku wada sheekaystaan oy kalsooni ku abuuraan... Laakiinse. Marnaba adigu imaad fahmin. ee waxay kuugu dhanayd.. aragtideeda iyo muuqaalkeeda guud ee soo jiidashada leh... Markay farxaan cade. Ku tidhaah.daba. kala garashada iyo xusuustii hore eed maanka ku haysay una sheeg is lahayd way kaa tagayeen... aniga uunbaa saaxiibkaa ah oo ku dareemi kara sababtoo ah ayaamo dhawra oon sadex deenu ba. Wada joogno iyaduna sida inoo hor fadhido ayaa markay ku soo eegto adna aad eegto indhihiinu iska hor yimaadan ay hadalba lagaa waayayay. aragtideeda irbada suuxdina kugu noqonaysay saaxiib waxan maqlay inaad maalin dhawayd adigiyo maxamed yar wada fadhideen gurigii reer xaaji c/raxmaan miyay jirtaa... Farxaan haa saaxiib way jirtaa maalinkaa anoo adiga u imo is leh ayaan maxamed is aragnay wuxuna igu yidhi gurigaas ayay akhiyaar badan isugu imanaysaa maantee aynu is raacno kolay nimco.na way inoo iman ama qof baynu u diri inoogu yeedha sidaas ayaan isku raacnay anigiyo maxamedka yari guriga dad badani ma fadhiyo labada yada iyo laba inamood oo kale ayaaba fadhiyay... markaa sidaanu iskaga sheekaysanaynay anigiyo maxamed ayaa todobadii habeen nimo ay noo soo gale
2011. 1 b.sh 1aad! Markaa sidaanu iskaga sheekaysanaynay anigiyo maxamed ayaa. ay todobadii habeenimo noo.soo galeen nimco iyo gabadh kale oo la socota labadii gabdhood waa ay noo yar sheekeeyeen... deeqsi adigiyo nimco fursad ma isku hesheen aad ku wada sheekay sataan... Farxaan saaxiib markii hore afarta yaduba si caadiya ayaan iska wada sheekaysanaynay oon kaftan isku waydaar sanaynay... Sheeko noo gaara aniyo nimcana ma ay jirin... Laakiise markii danbe nimco ayaa waxay tidhi waxan sii dhawaynayaa gabadha saaxiibaday ee farxaan ha iska sii fadhiyee. Maxamed oow ina mari waynu soo wada noqone. Markaasi ka dib indoor ah ayay iga maqnaayeen ayay ii yimaadeen markaan waxyar fadhiga ku yar wada sheekaysay ayaa markii danbe. anigiyo nimco isa soo raacnay.. Waxan istaagnay guriga dhabarkiisa.. Waxaan nimco ku idhi wll m c n waxa nahay laba qof oo xidhiidh ka dhexeeyo oo hadana fursad yar ooy ku wada sheekaystaan aan helin.. ee nimco qaali xabiibi macaan caawa inaad ii sheekayso ayaan doonayaa... Nimco waxay iigu jawaabtay macaankay.gow anigu waan ku jeclahay qalbigayga iyo niyadaydana maan galin qof aan farxaan cade. Ahayn sheeko la wadaag ama xidhiidh la samee' macaane. Waxad marwalba niyadaada galisaa inaanay nimco adiga mooye cid kale u joogin.. Gurigana waxa caawa i keenay waa adiga dartaa.. Markii laygu yidhi farxaan iyo maxamed ayaa wada socday oo waxay fadhiisanayaan gurigaa.. hawlo badan oo guriga ka hayay waan iskaga imid si aan adiga kuu arko qaaligaygiiyoow imikana waa saacad danbe. adna waan ku arkayaa oo daal badan baa kaa muuqdaa... Iyo dhidiid anigana xaafadu way iga hor seexan oo waa lay qabsan xageed saacadan ku maqnayd baa lay odhan ee macaane. Ii hurdo tag... Sidaas ayaan habeenkaa kaga imid... Ee saaxiib siduu habeenkaa arin ahaa iyo sidan danbe waa laba kaaf iyo kala dheeri ah ee. arin baa loo baahan yahay
2011. 1 b.sh 1aad! habeenkaa siduu arin ahaa. Iyo imika waa laba kaaf iyo kala dheeri ah... Ee maxaa arin iyo talo ah saaxiib" deeqsi... Farxaan.oow markaan .eego ama arkay sidaad wax iigu sheegtay iyo sidaan arimaha ku ogaa. Sir dumar sideedaba lagama sal gaadho dabinkay daadshaana. Kaba sii daran... taasi masala.heega waxan kaaga wada barashadaydii nimco ee. Markii iigu horaysay een arko ama la kulmo waxay ahayd waa kii maal.mihii aan mac macaanlaha ka shaqayn... Waa kaad iska taqaanoo dee. Marka bulsho meel ku kulanto horta hadal ma dayso dadka soo maaliduna waa dad iska hadal badan... Oo kolba wax ka wada sheekaysta ama ku dooda... Oo odayaasha iyo waayeelku waa siyaasada iyo maanta meel heb laayo wax baa ka dhacay maanta hebelbaa. La doortay... Inaga dhaliyaradeenuna ... Warkeenu waa sabankan danbee. Chelse baa baa badisay baarsaa laga badiyay.... Iyo walaal ama saaxib gabadh baan jecelahay oof qoftaasi waa qof aad u qurux badan... Waan ka helay... Isku soo wada duubo saaxiib hadii aynu soo noqono arinkeeni. Marka subaxii la soo galo meherada shaqada ayaa dhan iyadoo shaqada laga wado dhana laga sheekaynayaa.. Markaa subax ayaa anooga shaqaynayna aniguna subaxaa ayaa aniguna subaxaa waxan ku qornaa inaan la shaqeeyo raage oon dhinaca danbe kala shaqaynayay shiilista saan buusaha iyo jar jarida basasha. Raagena waa taqaana oo waa nin iska wada kaftan iyo sheeko ah marka ay shaqadu bilaabantaba waxa uu saaraya heeso qaraami ah oo kuwii hore ah oo uu ku dar dar galinayo horusocodka shaqada... Hadii uu wax yar caajis ama gacan culays kaa dareemo waxa uu ku odhanayaa.. Aala aala arbal bustahan eega aarbal ha ku dhex rafan meeshee. Ka dhex carar hadii aad daashay... Heesaha uu subaxii saarana. Waxan ka xasuustaa heesta.. Hadii aniga uurkiyo iga jaro naruuradaa adna naafac beesheenee. Naftuu way ku jeceshee. Adna nuguli haw noqon iyo danacab shi sheeyee... Waxa isna aan ka maqnayn oo halkan agtiisa jooga oo sharaabka ku shiidaya. nafta kale ee. Isna wada hadalka iyo qosolka ah ee saxardiid... Markaa subaxaasi
2011. 1 b.sh 1aad! Markaa subaxaasi fursad bay ii heleen' oo dhinac yaday iga kala joogeen ana dhexdaan ugu jiray, waaka markiiba raage hadalka bilaabay" deeqsi deeqsi, s x b dee baryahan ismaanu xaal waraysan ee bal iiga waran, adigiyo jacaylkii hodan xasan halkeed isla maraysaan' xaal masiidii iyo rajo ku maaweeliskii naftaada iyo isha bildhaanta liyo koobkii shaaha ee u jaakidhaada, inan taa. Raage hadalka ka baxa anigoo nan jawaaba ka bixin hadalka hore waxa hadana halkan ka soo booday saxardiid waa yidhi warkan hadalkiisa iga daa waa wax bakhtiye, waar wuxu qalbi adagaa, waxa ku dhacay waa jacayl nacas' waa ninka la soo taagan uun waxan jecelahay qof yar oo hodan xasan la yidhaahdo hada waa ilamaa sanadkii hore, waxa uu ku leeyahay waxayba iigu dhantahay markaan makhaayadooda tago eey koobka shaaha ah ii dhigto eey yara dhoolacadayso intaasi waxay iga qaalisan tahay, anigo kaftan sheeko lawaadagay, hada qofta uu sheegayo waa ilmo yar oo abaydin ah oo wali naaska hooyadeed ka lu lata, micnaha waxa sheeko iyo dareen lala wadagaaga qof waayo araga ood sida akhayaarta, wax kale iska daaye indhaha iska hadashiin" kan yartu waa waashay' wax macquula oo uu kala hadlo ama kaaga sheegayana, ma jirto, markaa arinkiisa waxan ku soo ururiyay mala awal iyo riyo ku nool" laakiinse sxb kay mid baan ka iloobay haduu ila qaadanayo, kolay kani waa doqoni wax ma garatee, waa khad ama arin aan u arkay fursad dahabiya' waxa weeye jaanis aan ka fagayn ama inaga dheerayn oo hadii uu ka samaysto ama qalbii gaa hantiyo tiiyo loo dheeran aynu inagu u dhamaystiri ka rayno qof kale maa hee waa nimco dii yarayd ee xuseen walaashii, qoftaa yari waxay noqotay xabad yar oo dahabi ah oo laga daba dhaco imika indhi hii arkaana, dhan kale jaleecayn, markale hadana raage ala qoftaa yar waaniga arkay ayaan dhawayd oo anigo xuseen aan fadhinay guriga waxan arkay markay biyaha iyo shaaha noo keentay, waxan ku idhi wax kale iska daayo anigaaba jaakidhaad galay in badan markaan hoos isulu
2011, 1 b.sh 1aad! In badan markaan hoos is usula faqay ayaan markii danbe xuseen hoos ula hadlay' waxan ku idhi xuseen sxb qoftani ma jaarkay ka soo wareegtay wuxu iigu jawaabay waa taayadii yarad, ee s x b ma indho gal gacayl baa bad qadintay hadaad tii labaad maraysana tiriigaagu wali waa shidan yahay miyaa, iyo s x b adiguunba i dareemi kara' kaftankaasa xuseen na dhex maray, laakiinse sxb kay deeqsi malahayga waxay ila tahay in aanu ka faa idaysan karin fursadaa, sabaabto ah sidan imika u arko waa nin jileec, halkay kaga dhagto u haysta go aan iyo mustaqbal sida imika ee hodan xasan' s x b deeqsi yow waxa kale oo jirta oo hadii aad taa yar soo xero galiso kuu dheeraanaya jaanis kale oo ku hoos lamaan" jaaniskaasina waxa weeye yartu reer gob ah ayay ka dhalatay, taasi masala heega waxan kaaga wada. Waxa jirtay dhabadh nimco la dhalatay oo wakhti wakhtiyada ka mida oo gashaanti nimadeedi ay ahayd qurud deeda in hadal lagu soo koobo iska daaye, markay wadada marayso gawaadhidu istaagi jireen, gabadhaasi aakhirkii waxay calaf isku yeesheen" ku yar oo iska xayraan ah oo wax ala wax uu faraha ku haystay aanay jirin laakiin af tahan ahaa' markuu dhan walba kaga keenay tayar markii danbe arin noqday inay reerkooga ku qanciso inay wiilkaa ay aashaq day ku daraan kartoona ku jiifsatee, ama uu go aankeedu yahay ducada inay habaar ka xigto, waxa guulaystay go-aankeedii jacaylkeegi, markaa s x b deeqsi yow gob sanida reerku waa sidaa, waliba markii wiilkiyo gabadha laysa siiyay' hoday inanta dhalay gobsani wuxu ka qabo dhismihii guri inaantiisu qayb wayn ka qaatay inaan uu sodog u yahay oo aan wax camala gacanta ku hayn markuu arkay wuxu u soo iibiyay gaadhi maarka tuya, markaa s x b deeqsi yow nin ayaan leh ayaa isku hela inan iyo gaadhi, hadalkayagu nasteex ha kuu noqdee, ka faaidayso fursadaa waa qaaliye......... Markaa s x b farxaan ow subaxaasi raage iyo saxardiid waxay ii fureen baab cusub waxa aan aniguba garan waayay isbadal iyo jawi cusub oo hiyi kac ah, oonan horay
2011, 1 b.sh 1aad isbadal iyo jawi cusub oo hiyi kac horayna aan u lahayn ayaa ila kowsaday waxa nan malaheega u saba beeyay hadaladii raage iyo saxardiid sida roobka igaga dhigeen anigoo mawjado badwayn ishqi oo ila hee haabaya ku jira ayaan kowdii duhur nimo ka rawaxay meherada waxan toos u tagay xaafada woxooga qadar yar ayaan dhinaca dhulka dhigay, iyadoo saacadii ku noqoshada shaqada ay sodo daqiiqo ka hadhan tahay ayaa waxa aan yara fadhiistay kaabadii meherada ka soo horjeeday anigoo waydiimi maskaxda ku jira wax yaabaha ugu badan een iswadiinayayna waxa ka mid ahaa armay nimankani inay ku waa laan ugu talo galeen, armaye malaha siday sheegeen waa fursad dahabi, Waxan sidaa ku jiraba waxa ii yimid saaxiibkeen c/qani markaan isaga arkay waxan dareemay daganaashiyo kalsooni, waxa anan u arkay inuu isagu wax walba dhamaystirayo oon nimco u diro markuu isoo garab fadhiistay een isxaal waraysanay arinkii baan u sheegay wuuna ila qaatay, waxa.nan ku kala tagnay anigaa nimco u tagaya u gudbiyana dareenkaaga rabitaan' shantii galab nimo markay ahayd ayaan shaqadii galay, wax la helo warbaa ugu gaajo ku lule xaalkaygu waa s x b ka muxuu la soo guryo noqon' armay tayari cay ugu soo jawaabtaa oo saaxiibkaana ceebaysa, adna fadeexad kaa raacdaa' waxay sidaa ahaataba todobadii habeenimo ayuu c/qani yimid wuxu igu warkeenay' nimco waan la kulmay markaa waxa la joogay hablo kale gooni baan ula istaagay waxan u ban dhigay arinkaagi waxay iigu jawaabtay wll macaane ma deeqsi baa sidaa u hadlay marna ka filanayn arimahaas oo kale aniga iyo deeqsi waxan ahayn laba qof oo walaaltinimo aad u baaxad wayni ka dhaxayso waxan ahayn laba qof oo wada aaminsan inay dadka kale iskaga dhow yihiin markaa way adag tahay deeqsi baa xidhiidh jacayl kuu soo ban dhigay haduuse hadalkaasi dhab yahay waxad u sheegtaa' in xidhiidhka walaaltinimo wax walba ka wayn yahay ayna qurux badnayn in la dhaawaco' nimco ahaana aan u diyaar ahay xidhiidhkii walaaltinimo oo laba jibaara" wixii dhaafsiisana aan u arko wax dhaawac u gaysanaya w
2011. 1 b.sh 1aad aniga nimco ahaana waxan ula diyaar ahay, xidhiidhkii walaaltinimo oo laba jibaara' wixii intaa dhaafsiisana waxan u arkaa wax dhaawac u gaysan kara walaaltinimada naga dhaxaysaa' c/ qani markuu sidaa wax iigu sheegay waxan filan keega galay inaan nimco toos ugu tago' maalinkii labaad oo ku beegnayd arbaca oon maalinkaa galinka danbe fasax ka ahaan jiray meherada. waxan markaasi waan is-gii-giijiyay oo labiskayga ka ugu quruxda badan ayaan dhag isku siiyay waxan qaatay jaadkiyo sharaabkaygii waxan tagay xaafadii nimciyo' markaan afaafka guriga ka galayba waxan indhaha qac ku siiyay nimco oo fadhida kaabada aqalka hortiisaa' markiiba waxay igu qaabishay jawi farxadeed' walaal m c n deeqsi soo dhawaaw maanta waad soo dheeraatay ,' waan la kaftamay nimco wll o qurux-lay baad qoqotay waxay iigu jawaab celisay adigaa iga daran' si fiican baa laygu go-glay shaahiyo biyihiiba nimco way ii keentay way ii garab fadhiisatay, waxay wax iga waydiisay arinkii uu c/qani u sheegay., waxan kaga jaawabay inaan beeniyo arinkiyo qorshihii aan anigu soo dhigay ee s x b kay u soo dhiibay waxan ugu jawaab celiyay nimco wll m c n aniga miyaad is leedahay waxaas oo kale way ka suu roobaan saaxiibkay c/qani waad iska taqaanaa oo waa nin iska hadal iyo kaftan badan wax walbana ku kaftamaya shalayta wuxu iigu yimid meherada wuxu igu yidhi maanta waxan tagayaa xaafadihii buurta iyo gurigii adeero nimco na waan soo marayaa waxan ku idhi salaan iga gaadhsi gabadhaa walaashay wuxu igula kaftamay nimco waan kugu bacaynayaa oo waxan odhanaya deeqsi wuu ku jecelyahay oo wuu kuu dhimanayaa,.' markaa walaashay m c n eey waxan u haysaystay saaxiibkay kaftan kiisu in aanu dhaafsiis nayn labadayada laakiinse wuxu ku kaftamay arin aan kaftan gali karin oo laba xidiid walaaltimimo ka dhaxeeyo kala dilaya' markaan hadalka sidaa u dhigay nimco way aqbashay waxayna tidhi wll deeqsiyoow waxay igu noqotay u qaadan waa iyo ma filaan jacaylku ceeb maahaa laakiinse meel aad ka filato iyo meel kadis iyo lama filaan kugu noqota ayay kala
2011. 1 b.sh 1aad ayay kala tahay' si walaaltimimo gal-gacayl iyo jawi degenasho farxadeed ayaan maalinkaa nimco ku wada sheekaysanaynay, oon kaga imid markaa s x b farxaan-oow sidaasi ayay ahayd barashadaydii nimco iyo bar-bilowgii fadhiisigayga maal maha arbacada ee guriga.. Nimciyo iyadoo sidaas ah waadigii markii danbe aynu is-raaci jirnay maalintaa fasaxa. S x b hadii aynu u soo noqono arimaha soo kordhay ee labadiina iyo taladayda' horta sidaan marka horaba kuugu sheegay arinkaasi markan dhinac kastaba ka eegay waxan u sabeeyay ama eedeeda saaray adiga farxaan ahaan' sababtoo ah s x b kolba talaabooyinkaad qaado ama dhaq-dhaqaaqa aad samayso ayaa noqda kuwo guul kuu horseeda' ama guuldaro ku dhaxal siiya... taasi mala heega waxan kaaga wada dumar ninkay jil jileec ama u ja jabni ka arkaan uma aabo yeelan ee xagta hoosteeda ayay galiyaan,.. Micnaha dee dabacsanaantu way wanaagsan tahay marka ay tahay bilowga eed wado xod xodashada kasbashada qalbiga inaanta laakiinse maaha inaad isku ilowdid s x b talaabada koowaad een imika u arkay inay mac quul tahay waxay ila tahay in maraarka qaar dumar dawadoodu masayr tahay waxan samaynaynaa anigaa nimco balaminaya oo gurigayaga iigu kaalay odhanaya ta labaad deeqsan ama gabadhii ayaan ee akhiyaarteena ka mida ahayd' ayaa soo ka xaynaya oo ka dhaa dhicinayaa filin jilis ah markaa labada hablood ta aynu helno ayaa adiga ku garab fadhiisinaya oo kuu sheekaynaysa jaadkana baarka kaaga guraysa iyadoy nimcana goob joog tahay si ay u yiqiinsato inaad inaa tahay boqor balan baalis kasta daa-dihin kara" ee ka waran s x b arinkaa, farxaan s x b deeqsi yow waa si wanaagsan talo fiican baanad keentay tayari maxay ismooday shaw anagaa marka horeba digaagad fooq saarnay,,,, laakiinse s x b sidee loo helayaa labada hablood ama loo soo kaxaynayaa` deeqsi kkkkkkkkkkkkkk ha u baqan s x b aniga igu halee anigaa saaxiibkaaya oo kuu noole igaga seexo s x b isku dubaridka hawsha iyo dhamaystirkeeda- waayahay akhrista yaal tolow maxay ku danbayn doonaan DAARIHIYO FOOQYADAA
2011, 1 b,sh 1aad Waayahay AKHRISTAYAAL TOLOW MAXAY KU DANBAYN DOONAAN DAARIHIYO FOOQYADA DHAA'DHEER EY LABADA S X B KU DHISEEN MIRQAANKA? MASE NOQON DOONTA MID GUUL HORSEEDA TALADA IYO TALAABADA UU DEEQSI S X B KII KU HAGAYO, MISE WAXAY NOQON MID GUULDARO DHAXAL SIISA..? AKHAYAAREEY WARKII JIRABA CAKAARU IMAN. BISHII BILATANA HORTEENAY IMAN. Sikastaba ha ahaate. deeqsi iyo walac iyo walbahaar la kowsaday oo xanuun kulul ku haya' waa mid iyo waayihii cusbaa ee ahayd jaaniskiyo fursadii uu horay u dayacay ama lumiyay, ee kasbashada qalbiga deeqsan, iyo ta labaad oo ah masuuliyada culus ee uu dusha iska saaray, ee guda galkiyo dhamays tirka arinka s x b kiira farxaan ee ay xaajo ka jiifto' waa farxaane isna waa u wadno far ku hays taah iyo tawaac' isku maa,weelis riyo naacaw carfaysa, isku lamaani dareen ishqi aan raadkiisa dhaafsiisnayn' iyo waliba tolow maxaa ka soo bixii kulanka gudo galka arinka oo loo balan san yahay jimcaha ooy laba cisho ka xigto... Sidaas ooy ahaataba wakhtigu waa is gurayaaye has dhigan deeqsiyow hurdaada ka kac' maydh maydhay oo labisay wadadii suuqa tagay gaysay qaad' waxaw socdaba suuqi tag iyo baadi goob halkii naftu hurdo ka gam i wayday iyo halka kuugu dhaw hebelada lab iyo dhidig-ba le" ala maskaxdu ila shaqayn oga s x b kay maxamed xaaji iyo meheradiisi' deg deg u abaar aad akhbaarta u horaysaba ka heshide' u tag maxamed xaaji salaan iyo is xaal waraysi s x b tinimo ka dib waydii hebeladay naftu u gucanay jaawaab deg deg ah sidan waxan arkay deeqsan shalay aroortii anigoo xaga suuqa u soo socda way ikaa waydiisay iyado magacaaga afka ku cel celinaysa waxay tidhi deeqsi marka aad aragto iga gaadhsii salaan gal-gacayl oo baaxad wayn waxayna lahayd aniga uunbaa marwalba xusuustisu maankayga haysataa' oo qof walba oo ku garanayo waydii laakinse isagu dib iima soo jaleeco, s x b waliba kalmada way igu dar daartay oo iga gaadhsi ayay tidhi
2011. 1 b.sh 1aad waliba kalmadaa way igu dardaartay oo iga gaadhsii ayay tidhi' iyo waliba tu kale s x b waxan ogaaday gurigay gasho" waxay farta iigu fiiqday oo waan galaa ay tidhi aqal bangalo kanjeel wayn ah oo ku yaala warshada furinka agteeda' waxay iigu sheegtay guri-gii edadeed...' deeqsi ala kaa farxi s x b waran igu taagnaa baad iga fujisay, jawaab maxamed xaaji waa la isku leeyahay taas iyo tu kabadanba deeqsi waayahay s x b waad mahad santahay waan sii tagayaa hawlo badan oo ii yaala ayaan gudo galayaaye' iyo khayr baan kuu rajaynayaa. deeqsi sidaas kaga soo dhaqaaq s x b kii waxa uu toos u abaaray s x b kii farxaan' oo ugu tagay meherada isaga oo shaqo ku jira' waxaw u sheegay in uu maxamed xaaji ku soo horeeyay uuna ka helay warbixin kalsooni horay u socoda siisay' farxaana wuu la qaatay, deeqsi wuu ka yimid s x b kii waxaw toos u tagay gurigii walaalkii oo uu ka soo qadeeyay hooyadiina qadadii uga soo qaaday' waxa uu u soo dhaqaaqay xagaa iyo xaafadoodii, isagoo niyada ku haya fariintii fursada iyo tilmaanta u ahayd ee uu ka helay maxamed xaaji' waxaw wadada socda waa uu istaagay wuxu indho fiiro dheer ku eegay meel dhanka galbeed kaga beegan oo ay uga muuqato warshadii furinka ee bangalo agteeda ah inay deeqsan gasho loogu sheegay' ala naf dareen baaxad wayn oo dabaylo ishqi hee-haabinayaan shaw darbi adagina ma xajiyo' waxaw indho indhayn ku jiraba waa yidhi albaabka kanjeelkan ma ka bilawdaa oo ma garaacda' ar maye malaha hadana ma qurux badna inaad garaacdo albaab aanad garanayn' iyo deeqsiyow waxa ku haystaa ka wayne' isku qaad waaka garaacay laga fur iyo sidan wllo aqalka gabadh yar oo deeqsan la yidhaahdo ma gashaa' jawaab maya wllo... Waji xumo kaga soo dhaqaaq' qalbi adayg hadana albaab kale garaac' iyo sidan su,aal wll inaan deeqsan la yidhaado guriga ma gasha' jawaab maya wllo, su.aal kale wll meelahan ma ku garanaysaa inaan magacaa leh' jawaab maya walaalo ee waa inan intee leeg ina ayaa la yidhaahdaa' ma wakhti dhaw bay xaafadaha soo dagtay' iyo deeqsi iyo sidan walaalo
2011, 1 b.sh 1aad walaal m c n dham-ahaati ma aqaano ina ayadeeda" ee deeqsan ayuun baan u aqaana waana qof walaaltinimo ilaa wakhti fog ahi naga dhaxayso'. Sidaa ayuu yidhi deeqsi waxana inaanta ugu jawaabtay' walaal macaan niyada iyo qalbiga khayr u sheeg inaanta aad raadinayso waad heliye' samraana sadkii ma waayo' walaal xaafada bangalooyin badan baa ku yaala' waxa dhibaatada jirtaa ay tahay adigoona tilmaanta lagu soo siiyay khalad ku jiro' waxan kaaga wadaa imika hadii aad tidhaahdo aqalka reer hebel ama xaafada calaamada leh markaaba waala heli lahaa' ee walaal waxba xumaan maayaan ee bal aqalkaa halkaa ka soo jeedana sii mar xaafad cusub baa dhawaan soo gashee' iyo waad mahad santahay walaal" deeqsi markuu sidaa uga soo dhaqaaqay inantii waxa uu hadana garaacay kanjeelkii sadexaad, waxaw-na ka kulmay waji gabax isagoo quus taagan ayuu u soo jan-jeedhsaday xagaa iyo wadadii ku toosnayd xaafadooda' marku wax yar socdo ayaa meel wadadu ku kala baydho oo dhanka koonkureed kaga beegan ka arkay inan socodka ku laaf yoonaysa cagtana yara dadajinaysa' indhaha ayaa uu ula raacay si dhugasho leh' markuu istaagay ee uu in doora fiiro gaara u yeeshay" waxaw ku war helay gacan ba'banaysa oo ula jeedadeedu tahay salaan isaga ku socota' inantii ku soo dhawaatay' iyo waaba halkay naftu u muhatay eey la aanteed hurdo ladi wayday' aya kala dee' waa boqoradii deeqsi ruxday' ee, deeqsan" wuxuna arin marayaa, sida tan waxay laabtu muhatooy midigtaydu gaadhana inan ku odhan maya adigaa ii markhaatiya' macaan meel mugtaan ku dhaya'yaa hayga-ga mab.suugine halmar waxaa tidhaahdaa deeqsi waan ku jecelahay..... Salaan gal-gacayl ishqi baaxad wayn huwan xididada dareemayaasha giiga qaada la isku raaci iftin-eey ug,baadeey aragtidaa awgeed inaan indho daraan dar qaado adiga u sabab ah" waxay irayadaasi ka mid yihiin hadalada uu deeqsi sida daran dooriga ah ugu tuurayo deeqsan' si kastaba ha ahaate iyadowna deeqsi - deeqsan u sheegin arinkii jiif iyo joogba u diiday' ee ahaa saaxiibkiisa farxaan eey' xaajo ka jiifto' sa
2011, 1 b.sh 1aad farxaan ee ay xaajo ka jiifto sababtana mala-heegu noqonayo aragtida deeqsan ee' dakharka ku noqotay' iyadoo sidaas ah ayay ku war helayaa qawaadh ka soo yeedhaya xaafad aan wax saasa u jira waa deeqsan oo ay edadeed u yeedhayso' deeqsi waxa ku hadaaqayaa iyadoo deeqsan ka dhaqaaqday iigu kaalay xaafadayada' isagoo farta ugu fiiqaya xaafadooda oo markaa kaga beegan dhanka bari, waa uu iska soo dhaqaaqayaa isagoo isku qanciyay way ku fahantay deeqsan" hada waa qof iyado sii socota soo jeedsi'geedi gacanta tilmaan ka siiyay, xaafada uu sheegayana meel ay tahay aqoon' waxaw imanaya gurigoogi isagoo maanka ku haya balantii oo ku beegan bari oo ay jimco tahay' jaaniska kaliy ee uu haysto ku wargalinay dadka uu isku keenayo na yahay galinka danbe ee maanta iyo caawa' wax yar oo laba saac aan ka badnayn ayuu yar seexanayaa, bacdal casar kamaydh-maydhasho ka dib waxa uu toos u abaarayaa xaafadii nimciyo salaan ka bacdi iyo sidan' suaal deeqsi walaal macaan nimco walltinimadu ma afka baarkiisa uunbaa mararka qaar waxa lays yidhaahda wall'kaa halkuu ka dhacay wall imika mudo laba biloodaba waxan hayay hooyo oo xanuunsanaysay' markaa waxan idhi show walltinimaduba waa inta la is arkayo ilaa nimcaba ha ku noqotee' jawaab nimco' maya wall m c n sidaa ha u hadlin deeqsi cade aniga igu qaali ayaa tahay waanan maqlay inaad hooyo hayso oo farxaan'baa ii sheegay, marwalbana waan ku talo jiray inaan ku imaado ii waxa dhacday hooyaa itoobia qabatay oo xaafada igaga tagtay' markaa ciyaalka yar yar cid aan kaga imaado ayaan waayay, ee shalay bay timid hooyo' ee bari jimcaha waan kuu imanayaa' deeqsi sidaas ayuu kaga soo dhaqaaqay nimco' waxa uu taleefanka kala hadlay ayaan oo uu u sheegay arinka iyo filimka jilista iyadiyo farxaan way ka aqbashay ayaana waxa la soo gaadhay jimcihii iyo balantii' deeqsi duhurkii saaxiibkii farxaan meherada ugu tag una sheeg inuu arin isku duba dhacay' farxaana ugu jawaab markaan shaqada sidaa ugu soo rawaxo waan kuu imanayaa ee jaadkiyo sharaabka in