Kun qof dad ka badan oo rayid ah ayaa lagu dilay Ciraaq laga soo bilaabo 5-tii bisha June ilaa 23-kii.
Qaramada midoobay ayaa soo saartay warbixin sheegaysa in dadkaasi loo dilay siyaabo kala duwan, waxaana ku jira Bilays iyo Ciidan Mileteri ah oo diiday inay dagaalka ka qayb qaataan.
Dagaal ayaa dalka Ciraaq dib uga soo cusboonaaday dhowr usbuuc ka hor, kaddib markii Kooxo Suni ah kacdoon ka bilaabeen waqooyiga dalkaasi,
Dadka dhintay ayaa ugu yaraan lagu sheegay in 1,075 qof oo u badan dad rayid ah,, sida ay sheegeen sheegeen korjoogayaasha Qaramada midoobe.
757 dadkaasi ka mid ah, ayaa lagu dilay gobollada Nineveh, Diyala iyo Salahuddin intii u dhaxeysay.
318 qof oo kale ayaa lagu dilay magaalada Baqdaad iyo degaanada koonfurta Ciraaq.
Afhayeen u hadlay Qaramada midoobe Rupert Colville ayaa sheegay in tirada ay ku jiraan dad shacab ah oo la toogtay.
Kooxaha Muslimiinta Sunniga ah ayaa la wareegay caasimada labaad ee Ciraaq Mosul iyo dhul kale oo balaadhan,
Dagaalka ayaa ku sii fidaya dalka, waxaana walaac ka muujiyay dalalka reer Galbeedka ee hore gulufka ugu qaaday dalkaas.
Maleeshiyaadka Sunniga ayaa dilay Qaadigii xukunka deldelaada ah ku riday Madaxweynihii hore ee dalkaas Saddam Xuseen.
cabsi laga qabo inay la wareegaan maamulka ciraaq sunniyiintu ayaa ah mid sii kordhaysa.
Dawladdaha Shiicadu ku badantahay oo ay Iran ka mid tahay ayaa ku biiray dalalka Taageeraya Xukuumadda Shiicada u badantahay ee Reysal wasaare Nuural maaliki.
Laakiinse Jabhadda ISIL ayaa u muuqata inay awood milateri oo balaadhan leedahay, taasoo u suurto gelin karta inay maamulka Baqdaad rido.
Ciraaq ayaa tobankii sanaddood ee ugu dambeeyay ku jirtay xaalad qalalaase oo khilaafaad Diimeed ku lamaanyahay.