Tuesday, June 24, 2014

Maayirka Gabiley ma difaaci doontaa Madaxtooyada Siilaanyo?Warbixin


Khilaaf ka dhex aloosan Golaha Deegaanka Gabiley oo xukuumaddu xal u doonayso




GabileyHargeysa(GNA)-14 ka mid ah xildhibaanada golaha Deegaanka ayaa si cad u dalbaday inay ridayaan Maayirka iyo ku-xigeenka Degmada Wax soosaarka Beeraha ku wanaagsan ee Gabilay.




Dalabkani wuxuu ka dhashay khilaaf meel adag maraya oo u dhexeeya aqlabiyada Golaha iyo Shir-guddoonkoodda, kaasoo intii uu soo jiitamayay eeddeymo farobadan ay labada dhinac isweydaarsadeen.




Xildhibaanadan ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha ka dalbaday in loo ogolaado fadhi aan caadi ahayn oo ay ku soo dhigayaan Mooshinka xil ka xayuubinta labada masuul ee shir-guddoonka, hase ahaatee waxa la sheegay in Wasiirka Arrimaha guduhu codsigooda kaga jawaabay arrin u muuqata maslaxad abuuris laysugu soo dhaweynayo Maayirka ay ridayaan.




“wasiirka arrimaha guduhu wuxuu nagu yidhi markaanu codsiga u gudbinay, waxaan idiinku yeedhayaa shanta wasiir ee Gobolka Gabiley ka soo jeedda”sidaasi waxa sheegay xildhibaan ka tirsan Kooxda Mucaaridka ku ah Maayir Shucayb.




Xildhibaanada ayaa ku doodaya in xaalada maamul ee dawladda hoose meel halis ah marayso. Isla markaana aan la sii eegan Karin maamul xumada Duqa degmada “laba Miisaaniyaddood ayaa meel ay ka baxeen aan la haynin, Bishaa Jully ee soo socotana Shaqaalaha dawladda hoose Mushahar ma haystaan, Dayntii Maayirkii hore aanu kala wareegnay ayaa nalugu leeyahay, Cagaftii aanu iibsanay waatii lacagtii markii aanu bixin waynay lala noqday, gaadiidka aanu haysanaa waa deyn oo gacansatadii lahayd way naga doonayaan lacagtii”ayuu xildhibaan kale warbaahinta sheegay maanta.




Halkan ka Daawo




Maayir Shucayb




Maayirka la ridayo ayaa si cad isaga difaacay eeddeymaha Xildhibaanada, waxaanu warbaahinta la hadlay todobaadkan horaantiisii xili uu socdaal dibada ah ka soo laabtay.




Maayir Shucayb ayaa sheegay inay Xildhibaanadu qayb ka yihiin dib u dhac kasta iyo gol-dalloolo kasta oo Golihiisu waajaho, isagoo qaybta ugu badana iyaga saaray.




Wuxuuse qiray inay jiraan waxyaabo badan oo sibiq iyo waayo aragnimo la’aan uga baahay.




Difaaca uu kaga jawaabay Eedeymahan loo jeediyay iyo dhaqdhaqaaqyada lagu diidanyahay ka sekow, waxa muuqata inuu wali kalsooni dhinac kale ah qabo.




Siyaasad ahaan waxa uu xidhiidh dhow la lahaa aqalka Madaxtooyada oo uu xubnaha ugu dubaalada dheer ee firin fircoon aad ugu dhawaa.




Dadka sida dhow loogu tiriyo inuu Kalsooni ka haysto waxa ka mid ah Marwada Madaxweynaha iyo Wasiirka Madaxtooyada, kuwaasoo uu Gobolka iyo degmadaba uga wakiil yahay arrimo siyaasaddooda ku taxaluqa.




Tani waxay dadka qaar tusaysaa inuu Maayir Shucayb wali ku taamayo inuu difaac awood badan leh ka helo Aqalka Madaxtooyada, iyadoo loo aanaynayo sababta ay khilaafka  u dhex geli waayeen Badhasaabka Gobolka Gabiley iyo Wasiirka arrimaha guduhu, hamrasho ay ku cisaynayaan xidhiidhka ka dhexeeya Maayirka iyo qoyska dalka ka taliya.




Waxa iska cad hadii Wasarrada Daakhiligu ogolaato in Golaha loo fasaxo fadhi aan caadi ahayn in Maayirka iyo ku xigeenkiisa daaqada laga saarayo, halka taas bedelkeeda ay socoto dariiqyada lagu raadinayo xal u helida xiisada taagan.




Ogolaanshiyaha fadhiga aan caadiga ahayn ee ay dalbadeen mudaneyaashu waa mid Sharciga dawladdaha hoose ee Xeer lr 23 fasaxayo, iyadoo loo eegayo duruufaha keenaya oo qudha codsiga Goleyaasha Deegaanka.




Ta kaliya ee uu isku difaaci karo Maayirka xaaladan oo kale ku timaado, waxay tahay isagoo albaabka wada hadalka u fura xubnaha ka soo horjeeda, iyadoo uu dhul isdhigis ku lamaanaynayo.




Si kastaba ha ahaatee muranka u dhexeeya Maayirka iyo Golaha Deegaanka ee Gabiley oo ku soo beegmay xili  Gobolka uu saameyn ku yeeshay khilaafka Xisbiga talada haya ee Kulmiye,ayaa u muuqda mid laba waji midkood ku dhamaan doona.




Muranka ayaa aakhirka keeni kara fursad Shir-guddoonka Golaha deegaanka xididda loogu siibo, taasise waa hadii danihii Maayirka laga lahaa ee Gabiley cid kale lagu wareejinayo.




khilaafku taa bedelkeeda  waxa uu noqon karaa mid ay Madaxtooyadu si fudud biyo ugu shubto, iyadoo gacanta ku dhigaysa Xildhibaanada Mucaaridka ah.




Si kastaba ha ahaatee maaha wax dhigaha iyo indhaha bulshada reer Gabiley ku cusub isqabqabsi u dhexeeya Maamulka Degmada Gabiley tan iyo markii Goleyaasha deegaanka la doortay, hase ahaatee khilaafkani wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee ay waajahaan 21 xubnood ee sanadkii labaad muddo xileedkoodu madaxa la galay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com