Tuesday, June 24, 2014

Sababaha Keena Kala Taga Qoyska (Furniinka).


download2Ciraaq waxa lagu tilmaama wadan ay ku nool yihiin dumar




aad u badan oo carmal ah,sababta ay baqdaad u noqotay magaaladii




carmashana waxa weeyaan raggii oo intoodii badneyd ku naf waayey




dagaladii ka dhacayey dhawrkii sanadood ee ugu danbeyey.sidoo kale




isqarxinta inta badan ka dhacda gudaha wadankaasi ayaa ah iyaduna mid




sahayata dadyow badan oo ragg iyo haweenba isugu jira kuwaasi oo ka




tagga lamanahoodii kale. Arintanina waa mida sababtay in laga qoro




dhacdadani buug la yidhaahdo “City of Widows”!




 




Haddii aynu haddaba ka yara gudubno baqdaad iyo arimaha keenay in ay




noqoto magaaladii goroobada ayaa waxa isweydiin leh su,aal kale oo ah,




ma jiraan amase ma la heli karaa meelo kale oo carmalnimadu ku badan




tahay? Runtii jawaabta su’aashani ayaa ah: Haa. Waa la heli karaa meelo




kale oo carmal badani joogto, ama ay ku soo badanaysaba. Maxaa yeelay




carmalnimada dagaalka uuni ma sababo ee waxa dhalin kara duruufo iyo




waayo kale oo badan.




 




Wadan kasta oo aduunka ka mid ah waa laga helayaa carmal (widow,widower)




maxaa yeelay waxa jira duruufo qalafsan oo kala kaxeyn kara lamaanaha




nolosha wada qeybsanaya. Waliba casrigan hadda lagu jiro waxa aad u




fudud in si dhib yar loo kala tago, taasi oo sababta in lamanihii markii




hore ku jiray caalamka qoyska, ay noqdaan kuwo gala caalamka carmalnimada.




 




*Sababaha keena furitaanka*




Lama soo koobi karo carqaladaha abuuri kara ama dhalin kara furiinka.




Furiinka badanina wuxu cadeynayaa in carmalnimadu ku soo badaneyso




bulshada dhexdeeda. Si kastaba ha ahaate markaad baadhitaan mug leh ku




sameyso waxyaabaha keena furiinka baddan ee carmalnimada sababaya,ayaa




waxaad ogaan kartaa in kuwani yihiin qaar ka mid ah: Lacag la’aan iyo




dhaqaalo yari soo wajaha qoyska kadibna is nacsiiya.




Dilid badan oo ninku kula kaco xaaskiisa.




Iyada oo midkood ka soo wada bixi waayo xuquuqdii ka kale kulahaa.




Daacad daro iyo is aaminaad la’aan.




Ninka oo gabadh kale guursada kadibna tii hore tidhaahdo i fur.




Ma dhalaysnimo.




Ninka oo reerkoodu gabadha u garan waayo kadibna ku qasba in uu furo iyo




sidoo kale reerka gabadha oo ninka necbeysta.




Arimaha kale ee soo dedejin kara furiin ka dhex dhaca labada lamaane




ayaa ah:




Iyaga oo ka fogaada ama si fiican ugu dhaqmi waaya diinta maxaa yeelay




haddii qofku xaqa ku sugnaan waayo waxa si buuxda uga faa,idaysanaya




shaydaanka oo ku furaya tushuush keeni kara dhibaatooyin.




Adeecida iyo ismaqlida oo meesha ka baxda.




Lamanaha oo marka hore dan isku guursada kadibna marka dantu dhamaato




kala taga.




Naag kale oo ninku yeesho.




Lamaanaha oo la isa siiyo iyaga oo aan isku sanbanaaneyn kadibna marka




danbe is fura.




 




Arimaha kale ee furiinka badiyey waxa ka mid ah awoodii ragga iyo tii




dumarka oo aad moodid in ay isa soo gadheen. Haddii markii hore la arki




jiray haween guriga fadhiya oo raggooda uun wax ka suga se hada iyagu




isdabara. Haddii markii hore la arki jiray haween ka naxa kalmada




furiinka maanta taasi way yaraatay. Waaxana batay dumarkii shaqeysanaya




ee wax la soo baxayay. Markaa, mar haddii gabadhu ay helayso wixii ay




cuni laheyd iyo nolosheedii runtii waxa dhab ah in ayna u baahneyn cid




amaro ku soo rogta. Waxaaba ira dumar badan oo xitaa raggooda masruufa.




Marka haddii la isku dhaco waxay la soo boodaysaa judhiiba erayo ah: “Ma




feedhbaa i jabaysa hadda, hadda ku dhawaaq oo warqadayda isii, rag lama




waayin oo way buuxaane”.




 




Shaqada iyo madax banaanidu waxay haweenka siisay xoriyad intii hore ka




badan, waxana maanta la odhan karaa 50% haweenka bulshadeenu waa kuwa




shaqeysta.Waliba sida muuqata ama la dareemi karo 60% dadka haayadaha




inala jooga u shaqeeya waa dumar bulshadeena ka mid ah. Marka mar haddii




inantii mushahar fiican ay hesho, baabuur iska wadato, nolol heer




gaadhsiisana ay hesho, runtii in ay amar soo rogto mooye in amar lagu




soo rogo way dhibsaneysa. Xoriyada badan ee haweenku helay wakhtiganina




waa mida dhalisay furiin badan.




 




Arimaha kale ee maanta badinaya runtii furiinka bulshadana waxa ka mid




ah: Raggii oo intoodi badneyd iska noqday kuwo aan masuuliyad qaadi




karin,dulqaad laheyn. Haweenkii la tirsanaya oo dagaal abuuraya.




Arimahaasi oo sababi kara in haweenku isaga haajiraan.




 




Bulshadeena maanta haddii tirakoob dhinaca guurka ah laga qaado, waxa si




rasmi ah loo ogaan karaa in guurku uu yahay mid aad u yar xiligani.




Haddana iyada oo sidaasi jirto waxa dhibtaasi ka sii daran, in intii




yareyd ee is guursatayna uu furiinku ku badanayo. Waxa dhagahaagu aad u




maqlayaan wakhtigani, arimo badan oo la xidhiidha furiinka, iyo sida




bulshada uu ugu soo badanayo. Waxa aad maqlaysaa farxad iyo jibo ah ”




hebel ayaa guursaday” in yar ka dibna waxaad maqlaysaa murugo ah “sow




kuwii kala tagay ma ayaga baryahanba wada joogay”.




 




*Bilawga fiicani waa qeyb ka mid ah qorshe kasta*




waxa in badan oo dadka ka mid ahi aaminsan yihiin, in baddi dhalinta




wakhtigani aaney si mug leh isu dareensiin dabeecad ahaantooda, iyo




dhamaan asbaabaha abuuri kara in loo guntado nolol iyo mustaqbal dheer.




Waxana arintoodu inta badan la ku salaysan tahay xiiso yar oo abuura




guur deg deg ah. Kadibna marka la guda galo noloshii dhabta aheyd ayaa




shakhsi kastaba uu la soo baxayaa wajigiisii dhabta aha.




 




Furiinku in uu ku bato bulshadeena lana helo carmal badan waxa dhalinaya




sidaan qabo guurka oo si kale ugu qeexan dhalinyaro iyo dad badan. Waxa




aad u jirta waxa la yidhaahdo danaysi, sababi kara kala tag. Waxa maanta




la heli karaa lamaane isla jooga oo kala danaysanaya, is aaminaadina




aaney ka dhaxeynin. Waxa aad arkeysaa gabadh dibada ka timi ama inan




dibada ka yimi oo dan uun loo guursanayo, taas oo ah ha ku dhoofiyo.




Waxa maanta sida magaalada Hargeisa runtii aad ka helaysaa dadyow badan




oo isku dhiibay shakhsiyaad dibada ka yimi, guurkoodiina ku xidhay dan




ah aad ku dhooftid, laakin ilaa hadda aan weli ka




helin dantii. Qaarkoodna marka loo soo juuqi waayo waxa ku khasab




noqoneysa fasaqaad iyo furiin.




 




Furiinka badani runtii waa mid abuura colaad iyo niyad jab labadaba.




Waxa jira haween ama ragg marka dhawr jeer ay cid kala tagaan runtii




kaba niyad jaba guurka, kadibna is yidhaahda kaba bax arimahaasi oo iska




shaqeyso ama sidaasi ku gabooba. Sidoo kale waalidku marka uu kala tago




waxa dhacda in ay caruurta kala jiitaan, taasi oo sababi karta in xitaa




ubadku isku naco.




 




*Qaraabada lamaanaha*




Soddohda ama hooyada inanta dhashay had iyo jeer waxay dadkeenu ku




tilmaamaan ruuxa keliya ee guriga inanteeda daaha dabadiisa ka




maamusha.Waxaana had iyo jeer la yidhaahdaa inani waa hooyadeed.




Carqalado badan oo maanta guurka ku gadaamana waxa la yidhaahdaa




soddohdu waa ka qeyb. Markaa waxan odhan lahaa waalidka gaar ahaan




soddohdu inanteeda si haboon wax ha ugu sheegto. Si loo kala badbaado oo




yeyna dhegta ugu ridin gabadheeda akhbaaro laga yaabo in ay sababaan




guriga oo ka duma.




 




*Jinkaa la dheel dheel*




Guurku runtii wuxu ku qurux badan yahay in qof kastaba aynigiisa doonto.




Runtii waa laga fiican yahay in oday duq ah oo ku cimrigii ugu dambeeyay




uu isku qaado guursado gabar jirta 18 ama 17. Waxa maanta bulshadeena ku




badan xitaa dhalinyaro dani u geyneyso dad ka waa weyn. Iyaga oo xitaa




guurka aan ku qanacsaneyn. Waxa aad arkeysaa inan ama wiil isku qaadaya




oday ama islaan da’ ah oo laga yaabo in ay dibada ka yimadeen iyaga oo




is leh ha idin dhoofiyaan. Waxaana  jirta in hablo badan oo odoyaal




guursaday ay hadda ka dhinteen oo ay yihiin carmal. Waalid caruurtooda




siiya dad ayna isku ayni aheyna way jiraan kuwaasi oo laga yaabo in ay




eeganaya lacag yar iwm.




 




Waxaan odhan karaa marka aan dhinaca wanaagsan wax ka eegno si furiinku




u yaraado “guurku waa sida xadhig kii lagu xidhayna isleeyahay tolow yaa




ka fura. Kii aan wali lagu xidhina uu is leeyahay tolow yaa kugu xidha”,




axaa yeelay furiinka badanaya wuxu jidaynayaa in la helo bulsho wada




carmal ah.




 




Mooska dushiisu waa cagaar, hoostiisuna waa cadaan, waxaana taasi uga




socdaa in dadku had iyo jeer ay ogadaan in qof kastaba uu leeyahay




dabeecad sare iyo mid hoose. Waxana jira dad xagga sare ka wanaagsan




laakin hoosta ka xun. Markaa shakhsiga guur doonka ah waxan odhan lahaa




fiiro gaar ahaaneed u yeelo lamaanahaaga inta aanad la saxeexan heshiis




guur.




Magalooyinka Somaliland waxa hada lagu tilmaama qaar furiinku ku soo




badanayo oo aan hidde iyo dhaqan u lahaan jirin, wixii doonaba ha




sababe. Markaa haddii aan la abuurin qorshe lagu yareeyo guryahaa




dumaya. Waxa dhici doonta dharaar ay meeshu iskeed u noqon doonto




magalooyinka carmasha.