Maxaa ku cusub Addeegyada Shirkadda African Airways iyo wakhtiga Xagaaga
Hargeysa(GNA)-Diyaarada African Airways waa shirkadda labaad ee xaga Duulimaadyada ugu weyn Somaliland.
dhowr Shirkaddood oo ay ka mid yihiin Shirkaddan iyo Daallo Airlines oo ah Shirkadii ugu horaysay ee Somaliland diyaaraddo keenta, ayaa waddanka ka sameeya Duulimaadyo joogto ah oo ay Diyaaraddahoodu ugu kala gooshaan Somaliland iyo Dalal kale oo adduunka ah.
Duulimaadyada ugu badan ayay Diyaaraduhu ku yimaadaan Madaarada Hargeysa iyo Berbera.
Masuuliyiinta Shirkadda African Airways oo la hadlay Barmaamujka Doorka Shirkaddaha Diyaaraduhu ku leeyihiin horumarka ee Taleefishanka Maxaliga ah ee Bulsho, ayaa sheegay inay laban laabeen adeegyada duulimaadyada ee Shirkadda xiligan Xagaaga.
Hadaba halkan ka Daawo Barmaamujka oo dhamaystiran: