Tuesday, June 24, 2014

Maxkamada Sare ee Malaysia oo soo Saartay Qaraar ay ku Amrayso in Allah ay Isticmalaan Dadka Muslimiinta ah oo Kaliya.


court-1Maxkamadda Sare ee dalka Malaysia ayaa dawladeeda ku amartay in ay dadka aan muslimiinta ahayn ka mabnuucdo in ay isticmalaan Magaca Ilaahay ee Allah, iyadoo diiday rafcaan ay u soo gudbisay Kiniisada Roman Catholic Church oo ku doodaysay in aan laga mabnuuci karin isticmaalka kelmada Allah.




Maxkamadda Federalku waxay xukuntay in aan wargeyska kiniisadan haysan sharciyad uu rafcaanka kaga soo qaato maxkamada hoose go’aankay soo saartay sannadkii hore ee ay dadka aan muslimiinta ahayn kaga mabnuucaysay inay kelmada Allah isticmalaan markay wax qorayaan.




Dawladda Malaysia waxay sheegtay in Allah ay gaar u tahay dadka Muslimiinta ah, kuwaasoo saddex meeloodaw laba meelood ka ah 29 milyan ee Malaysia ku nool, taasna waxa loo mabnuucay in ay jahwareer ku samaynayso dad badan oo rabay in ay Muslimiin noqdaan.




Dadka Kiristanka ah ee dacwadan gudbiyey ayaa ku dooday in kumanaan kiristan ah oo ku nool jasiirada Borneo ay kelmadan u isticmaali jireen in ay magaca Ilaahay ku xusaan, gaar ahaan kitaabka Bible ugu qoran tahay.