Tuesday, June 24, 2014

Dawlada Hoose Ee Degmada Burco oo Xadhiga Ka Jartay Laba Mashruuc .


S2890002(1)Burco(GNA)Dowlada Hoose Ee Degmada Ayaa Maanta Furay Laba Mashruuc Oo Laga Hirgalinaayo Mashruuca Loo Yaqaano JPLGga Labadani Mashruuc Ayaa Kala Ahaa Dayactirka Taalada Sheikh Bashiir Ee Magaalada Burco Oo In Mudo Ah Burbursanayd Isla Markaasina Ahayd Goob Qashinka La Dhigo Iyo Waliba Goob Ka Mida Goobaha Qashinka Lagu Guro Oo Iyana Laga Samaynaayo Xaafada Ceelgooni Ee Maaladani Burco.




Munaasibadaasi Ayaa Waxa KA Soo Qaybgalay Xoghayaha Fulinta Dowlada Hoose Ee Degmada Burco,Shirkadaha Qandaraaslayaasha Loo Soo Bandhigaayey Mashruucani Iyo Masuuliyiinta Waaxyaha Kala Duwan Ee Dowlada Hoose Ee Degmada Burco.




Waxaana Munaasibadaasi Furay Xoghayaha Fulinta Dowlada Hoose Ee Degmada Burco Mudane Cismaan Maxamed Sh.Cismaan Nuur Kaasi Oo Shirkadahii Loo Soo Bandhigay Qandaraaska Labadan Mashruucna Ku Booriyey In Ay Si Xilkasnimo Ah U Sameeyaan Dhismaha Labadan Mashruuc. Waxaana UU Yidhi




“Runtii Labadan Mashruuc Oo Aanu Hore U Xayaysiinay Oo Kala Ah Taalada Sheekh Bashiir Oo Lagu Wareejinaayo Dayr  Oo Mudo Dheer Qabyo Ahayd oo waliba Xudunta Magaalada Badhtankeeda Ku Taala Oo Hadaanu Dowlada Hoose Nahay Oo Marka Dambana Insha Allah aanu Doonayno Inaanu Ku Beerno Dhir Iyo Beerno Maanta Iyadoo Halkaasi Ay Tahay Xuduntii Magaalada Tahayna Goob Qashinka Lagu  Shubo oo Ay Hoy Ka Dhigteen Dhalinyarada Dibjirka Ah Ee Xabagta Cabta Una Dhow marka burcadii Hore Laga Hadlaayo Xaruntii Weynayd Ee La Odhan Jiray SNL 60aadkii Oo Ahayd Halkii Reer Burco Waxgaradkeedii Iyo Odayasheedi Ku Shiri Jireen Markaas Runtii Waxaan Doonaynaa Intaaladaas Si Wanaagsan Dayr adag aanu Ugu Wareejino Qaybtan Labaadna Waxa Weeye Ceelgooni oon Ka Fogayn oo aanu iyana doonayno in laga sameeyo god qashinka lagu shubo Tartamayaasha Mahaariicdani Waanu Ku Soo Dhaweynaynaa Insha Allah Waxaan Rajaynaynaa Muwaadiniinta Reer Burco Runtii Sida Qaalibka Ah Intaan Ka Baranay Waa Dadka Had Iyo jeer   Qandaraasyada Ay Qaataan Wuu Yaryahay Sida Qaalibka Ah Nin Hadana Itaalkiisa Iyo Awoodiisa Raaciya Oo Hagar La,aan Wax U Qabta Oo Meeshaas Ku Dadaala Inaan Ceebi Idiinka Iman Waxaan Shirkadaha Ku Boorinayaa Inay Labadaas Mashruuc Ee Yaryar Ay Sidii Loogu Tallo Galay Ay Ku Dhamaystiraan” Ayuu Yidhi Xoghayaha Fulinta Dowlada Hoose Ee Degmada Burco Mudane Cismaan Maamed Sh.Cismaan Nuur.