Tuesday, June 24, 2014

Dadka qaba cudurka macaanka ama sokorta oo u nugul indho la’aan


images(GNA) Cilmi baadhis caafimaad oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daah furtay in dadka u buka cudurka macaanka ama sokorta ay halis ugu jiraan dhibaatooyin caafimaad ee dhinaca aragga ah.




 




Cilmi baadhistani waxa ay tilmaamtay in dadka qaba macaanka, khatarta ugu weyn ee indhaha ka soo food saarta ay tahay  hab-dhiska aragga oo bukooda iyo khal-khal ku beerma aragtidooda.




 




Waxa ay daraasaddu muujisay in tijaabo lagu ogaaday in mar kastaba dadka qaba macaanka iyo kuwa aan qabin ee dhiggooda ah ay yihiin kuwa ugu nugul  arag-darrada iyo indho beelka dhamaystiran labadaba.




 




Majaladda Eristy ee ka soo baxda dalka Jarmalka oo ka faalloota arrimaha caafimaadka oo baahisay maqaal ay kaga warramayso natiijada cilmi baadhistan ayaa sheegtay in daraasaddan ay samaysay xarunta ka hor tagga cudurrada ee gobollada Atlanta iyo Georgia ee dalka Maraykanka.




 




Intii daraasaddan la wadayna waxaa baadhitaan iyo tijaabooyin caafimaad lagu sameeyey in ka badan 1200 oo qof oo macaan qaba iyo qiyaastii 12 Kun oo qof oo caafimaad qaba.




 




Waxa ay daraasaddu sheegtay in 11% oo ka mid ah dadka qaba macaanka ama sokorta ay dhibaatooyin dhinaca aragtida ah qabaan, halka dad macaanka aan qabin balse araggooda wax u dhiman yahay ay noqdeen 6%.




 




Ugu dambayntiina waxa ay daraasaddu sheegtay in 50% ka mid ah dadka qaba Macaanka ay dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca aragtida ah qabaan, iyada oo weliba sheegtay in dhibaatooyinkaasi u badan yihiin kuwo aan la daweyn karayn.




 




 




 




Diyaariye:-C/Qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com